Warsame oo eedeyn culus u jeediyey Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo musharax madaxweyne u ah doorashooyinka 2020-21 ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo qeyb ka yahay hurinta colaada gobolka Gedo.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo xusay in madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo uu dhinac gaar ah la saftay ayaa rumeysan in nasiib daro weyn ay tahay in hogaamiyaha dalka uu talaabo noocaas ah qaado.

Dhanka kale, Warsame ayaa su'aal ka keenay dooda dowladda federaalka ah ee la xiriirta in ay Beledxaawo ka ilaalineyso xadgudub ay Kenya kusoo sameysay xilli Nairobi ay ciidamadeeda ku sugan yihiin qeybo kamid ah waddanka.

"Kenya waa dal aan deris nahay, waa is qaban karnaa, waana heshiin karnaa, balse iyadoo ay ciidankoodu gudaha dalkeenna ku jiraan, oo ay Kismaayo, Abdalle Biroole, Kudhaa, Buurgaabo, Raaskanbooni, Sariiro, Kulbiyow, Hoosingo, Dhoobley, Taabto, Qooqaani, Afmadow iyo Ceelwaaq ay joogaan, in dadka lala horyimaado Beled Xaawo Kenya laga difaacay waa yasid iyo caqli ku xadgudub," ayuu ku daabacay boggiisa Facebook.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran

Waxaa maanta iigu xanuun badnaa ee aan maqlo waa 5 carruur ah oo wada dhalatay oo hoygoydii madfac ku habsaday, halkaasna ku dhintay (AUN).

Dhimashada, dhaawaca, burburka hantida iyo barakaca ka dhacay Beled Xaawo wuxuu ku dhacayaa waa dad Soomaali ah. Tani waxay i xusiisanaysaa dagaalladii sagaashanaadkii Gobolka Gedo ka socon jiray.

Xilligaa oo aan gobolka tegey, waxaa is hayey Jabhaddii SNF oo ay Itoobiya taageerayso iyo ururka Al-itixaad oo dagaalyahanno shisheeye ka garab dirirayeen.

Labada dhinac, waxaa kala hoggaaminayey Generaal Cumar Xaaji Masalle iyo Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf (AUN), oo isku beel ah, laakiin kala jufa ah. Wadaaddadii waa laga itaal roonaaday, jabhadiina labo garab ayey u kala jabtay.

Axmad Sh Cali iyo rag kale ayaa garab la go’ay, kaddib loollan Jabhaddii SNF dhexdeeda ah, beelna salka ku haayaa ayaa muddo socday. Waxaa dhacay xasuuq beel lagu beegsaday oo ku dhowaad 150 ruux lagu dilay degmada Luuq.

Waxaa xusid mudan in rag haatan dhinaca dowladda iyo Jubbland ku kala jira ay dagaalladii xilligaa dhacayey qayb ka ahaayeen.
Markii Jubbaland la dhisay beelaha qaar wey taageereen, halka kuwa kalana ka hor yimaadeen.

Madaxweyne Farmaajo waxaa la gudbooneyd in uu beesha heshiisiiyo ee uusan dhinacna la safan. Soomaali way ka dheregsan tahay beelaha is-haya iyo sidey isku hayaan.

Waxaa habboon in beelaha la heshiisiiyo, sababtoo ah colaadda Gedo ee ay labada dhinacba wiilal Soomaaliyeed ku dhimanayaan cidna dan uma aha.

Waxaa kaloo waalli ah in dagaal dad wada deggan oo walaalaha ah u dhexeeya la qarameeyo, ama la waddaniyadeeyo.

Kenya waa dal aan deris nahay, waa is qaban karnaa, waana heshiin karnaa, balse iyadoo ay ciidankoodu gudaha dalkeenna ku jiraan, oo ay Kismaayo, Abdalle Biroole, Kudhaa, Buurgaabo, Raaskanbooni, Sariiro, Kulbiyow, Hoosingo, Dhoobley, Taabto, Qooqaani, Afmadow iyo Ceelwaaq ay joogaan, in dadka lala horyimaado Beled Xaawo Kenya laga difaacay waa yasid iyo caqli ku xadgudub.

Colaadda halla joojiyo, dadka walaalaha ahna hala heshiiyo.


Dhawaqa Warsame ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii magaalada Beledxaawo uu ka dhacay dagaal sababay geerida in ka badan 10 qof iyo dhaawaca in ka badan 20. Isku-dhacaas wuxuu dhexmaray ciidanka dowlada iyo kuwa Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM