Warsame oo naqdiyey go'aankii DF ee madaarka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aanka dowladda Soomaaliya ku joojisay in hub lala galo garoonka diyaaradaha Muqdisho waa mid "cadaalo darro ah laguna beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka," sidda uu sheegay musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa go'aanka dowladda wuxuu ku sifeeyay mid ay ka muuqato "sinaan la'aan" loo sameynayo madaxda xilka haysa iyo kuwii hore.

"Annaga cidda tartanka uu nagala dhaxeeyo waa musharax madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana u baahanahay wixii xuquuq ah oo uu helo in aan helno. Taasba waxaa kasii darran hadii madxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo afhayeenka labada aqal ee baarlamaanka aysan isku haleyn karin ammaanka garoonka maxay tahay sababta aan annaga isugu haleynayno? Ciidamadda ammaanka garoonka ha la isku wada haleeyo ama cid kasta ciidamadeeda hala gasho," ayuu yiri.

Warsame ayaa ku daray: "Hadii taas la diido waxay macnaheedu tahay khatarta annaga aan iska ilaalino idinkana u bareera iyo in ujeedo kale laga leeyahay oo ah in aysan jirin cid mas'uuliyadeeda qaadeysa dhibka naga soo gaaro".

Shalay ayay ahayd markii Wasaaradda amniga Soomaaliya ay soo saartey go'aanka hubka looga mamnuucay madaarka Aadan Cadde, waxaana ay u cuskatay "cabashooyin is-dabajoog ah oo kaga yimid maamulka garoonka".

Is-difaaca dowladda

Dowladda federaalka Soomaaliya oo difaacdey go'aankeeda ayaa sheegtay in ay "aad uga baaraan degtay lana daraaseeyay in madaxdii hore iyo musharaxiinta aysan wajaheyn khatar amni degan yihiina xayndaabka garoonka" balse waxay qiratay in aysan ka talogelin talaabadaas.

Xasan Xundubey Jimcaale, wasiirka amniga Soomaaliya oo qudhiisa u waramay VOA Somali ayaa ka gaabsadey in uu caddeeyo in xukuumadda qaadeyso mas'uuliyad khatar amni kasta oo soo wajahda madaxdii hore iyo musharaxiinta, isaga oo beeniyay in go'aanka uu yahay mid siyaasadeysan.

Dhanka kale, Mr Xundubey ayaa xaqiijiyey in booliska Soomaaliya uu ka tirsan yahay shaqsiga baraha bulshadda kasoo muuqdey todobaadkii hore isaga oo bastoolad ku haya rayid banaanbax ka dhigayey caasimadda Muqdisho.

"Isla maalintaa ayaa lasoo xiray sharciga ayaana la horgeynayaa," ayuu yiri. "Mid kale aan kugu daro, dowladda ma diidana in dadku cabiraan fekerkooda, balse waxaa la isku hayaa ayaa ah; yaa damaanad qaadaya amaanka dadkan lasoo bixinaayo iyo in aysan kusoo dhex-dhuuman argagixisada iyo qaswadayaal kale?".

Balse, sheegaahada wasiirka waxaa qashinka ku daray Warsame oo tibaaxay in shaqsigaas uu dibadda joogo, wuxuuna codsaday in maxkamadeyntiisa ay noqoto mid daahfuran oo ay kasoo muuqdaan dhibaneyaasha uu xabadda ku tuuray ayaga oo fekerkooda u cabiraya si nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ku qotomo horumarinta wadashaqeynta.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:06PM