Warsame oo sharaxay mowqifkiisa turxaanbinta guddiyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishauur Warsame ayaa sharaxaad dheerya wuxuu ka bixiyey diidmada uu ka muujiyey qaabka loo kala shaandheynayo guddiyada lagu muransan yahay ee doorashada.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku baaqay in si midnimo leh loo wajaho in xubnaha tuhunka laga qabo looga saaro guddiyada qaab daahfuran oo la isla ogol-yahay.

Sida laga soo xigtay Warsame, 20% waa laga saarey guddiyada taageereyaasha Villa Soomaaliya balse "qorsheynayaan in ka soo kabtaan oo ay 34 ta xubnood ku soo bedeshaan kuwo kale".

"In ka badan lix bil ayey Dowladda Federaalka ah inkarsaneyd in guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan nabadsugid, shaqaale rayid ah iyo taageerayaal Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday. Maanta waxay qirsanyihiin 34 ka mid ah oo seddaxda qaanad ku kala jira, in aysan soo buuxinin shuruudihii heshiiska doorashooyinka. Waa tilaabo horumar leh," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Laakiin hindisihii kooxda N&N ee guddiyada doorashada 20% ayaa kashifantay, waxayna qorsheynayaan in ka soo kabtaan oo ay 34 ta xubnood ku soo bedeshaan kuwo kale, maadaama uusan jirin habraac heshiis lagu yahay oo lagu turxaan bixiyey xubnaha guddiga laga saaray iyo kuwa lagu soo beddeli doono intaba".

"Tan kale, Guddiga waa billawga fulinta heshiiska doorashada, ee ma aha dhammaadkii. Waxaa dhiman waddo dheer oo ay caqabado badan ku horgudban yihiin," ayuu tibaaxay.

Warsame ayaa rumeysan "Haddii aan habraaca (process) ka maanta la sixin, waxa imaaneysa in berri laga shallaayo, waxaana dhici doonta in dad maanta faysteynaya la arko  iyagoo beri qaylinaya. Ma aha in lagu kadsoomo ballanqaadyada afka baarkiisa ah iyo wirwirka dhalanteedka ah.

"Waxaan u taagannahay in lagu dhabar adaygo sidii lagu heli lahaa habraac daahfuran oo hehiiska doorashada lagu meelmariyo, lagana digtoonaado in Farmaajo faro kale doorashada ku musuqmaasuqo," ayuu kusoo xiray.

Dhawaqa Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo siyaasiyiin ay musharaxiin madaxwayne ku jiraan ay soo dhaweeyeen 34-ka xubnood ee laga saarey guddiyada lagu muransan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM