Warsame oo si adag u weeraray dowlada Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska waqtiga ka dhamaadey ee uu hogaamiyo Farmaajo waxay Soomaalida ku dirqineysaa god mugdi ah iyo in dib loogu laabto dagaal sokeeye, sidda uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Musharax madaxwayne oo xalay ka qeybgalay dood lagu qabtay bar-kulanka Club House ayaa sheegay in nidaamka Farmaajo uu dalka kusoo kordhiyey " wax u eg ama u dhow" qaacidada ay ku howlgasho maleyshiyadda Al-Shabaab.

"Nidaamkan hadda jira ee uu hogaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey wuxuu soo kordhiyey in uu xiro space-kii siyaasadeed oo uu keeno gacan-ka-hadal – wax u eg ama u dhow kii Al-Shabaabka oo kale – oo qof alaaba qofkii ay is-qabtaan gacan-ka-hadal ay jawaabtiisa noqoto ama maamul ha ahaato ama siyaasi ha ahaato illaa labadii madaxwayne ee ugu dambeysay ee xilka isaga ku wareejiyey uu ku weeraro Hotelkii ay deganaayeen," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, maamulka Farmaajo wuxuu aad ugu mashquulaa in uu ka faa'iideysto dadka nugul.

"Waxay kaloo la yimaadeen kala furfur iyo kala daadin. Dadkii in la kala daadiyo oo la kala furfuro oo laaluush iyo in loo isticmaalo dadka oo lagu marin-habaabiyo ama meelaha ay ka nugul-yihiin in looga faa'iideysto bulshadana la iska hor-keeno," ayuu hadalkiisa ku daray hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir.

Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in dowladda Farmaajo ay afartii sano ee lasoo dhaafay isku-howshay in ay qalalaase abuurto.

"Waxay kaloo ka faa'iideystaan tabashooyinka maxaliga ah. Qabaa'ilka Soomaaliyeed way kala tabanayan. Waxay raadiyaan oo ay waqti iyo dhaqaale ku bixiyaan beelaha tabashooyinka. Haddey ahaato Puntland, Jubaland, Somaliland, Gedo iyo guud ahaan qabaa'ilka Soomaaliyeed. Dadka ay xilka u dhibaanayaan waa kuwa fursada siyaasadeed waayey ee si loo maquuniyey," ayuu xusay.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibadda ayuu tibaaxay in aysan diyaar u ahayn dhabaha uu hayo maamulka Farmaajo ee "horseedaya dagaalka sokeeye iyo qarbudaada guulihii la gaarey sanadihii lasoo dhaafay".

Intii hadal-jeedinta ay socotay, Warsame ayaa ku dhaleeceeyay Farmaajo in shalay uusan gacan-qaadin madaxdii ka qeybgashay Janaazada madaxweynihii 4aad, Cali Mahdi Muxumad, wuxuuna ku sifeeyay hogaamiye "cuqdadeysan".

Ugu dambeyntii, kadib kulan ay Musharaxiinta xalay ku yeesheen aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka, safiiradda Ingiriiska ayuu sheegay in ay sharaxaad uga bixisay sababtii ay Farmaajo oo waqtiga ka dhacay ugu gudbisay warqadaheeda.

"Waxay ku marmarsiyootay in ay dooneyso in ay ka qeyb-qaadato geedi-u-socodka doorashooyinka Soomaaliya iyo in ay kaalin ka cayaarto in waddanka si nabad ah uga baxo mar-xaladda kala guurka," ayuu ka dhawaajiyey siyaasi Warsame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM

Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 12:46PM