Warsame oo taageero dhaqaale waydiistay dadweynaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa codsi dhif ah kuna saabsan doorashooyinka sanadka 2020-21 wuxuu waydiistay shacabka Soomaaliyeed.

Warsame oo kasoo muuqdey muuqaal soconaya in ka badan saddex daqiiqo kuna soo bandhigay ciwaanada uu ku leeyahay baraha bulshadda wuxuu Soomaalida ku waydiistay taageero dhaqaale oo ololaha soo aadan uu ku guda galo.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa dalabkaas wuxuu u cuskaday "si looga maarmo gacan hoorsiga ajnabiga iyo taladda shisheeyaha".

"Si looga gudbo gacan hoorsi ajnabi iyo talada uu shisheeye nala yeesho, ayuu ololaha doorashadeenna si toos uu shacabka Soomaaliyeed u waydiisanaynaa taageero dhaqaale. Waxey rajeyneynaa in aad farriintan si togan uga falcelin doontaan," ayuu yiri Warsame.

Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa aalaaba waxaa lagu tirayaa in qaarkood ay ololahooda doorashadda maalgeliyaan dalal shisheeye.

Inkasta oo uusan jirin musharax illaa haatan si furan uga waramay jiritaanka arrintaas, haddana wax kasta waxaa la aaminsan yahay in ay ka dhacaan daaha gedaashiisa iyo qaar taageeradooda dalalkaas ay saxaafada ka cadahay.

Madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa la og-yahay in ololihisii 2016-kii ay maalgelisay dowladda Carbeed ee Qadar.

Talaabadda uu qaadey Warsame ayaa la rumeysan yahay in ay bog cusub u fureyso siyaasadda Soomaalida iyo guud ahaan Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya – taas oo doorashooyinkeeda aysan coddeyn dadweynaha ama shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM