Warsame oo toosh ku ifiyey siyaasiyiinta Soomaalida

Image
Dhawaqa musharaxa madaxwayne ayaa kusoo aadaya xilli dalka ay ka bilaabatay xulista xubnaha Aqalka Sare. [Photo: WR]

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta Soomaalida waa in laga daaweeyaa "damaca waalan iyo iimaan darrida siyaasadeed ha innaga daaweeyo," sida uu shaaca ka dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Musharaxa madaxwayne oo horey u soo noqdey wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa fariintan u diray siyaasiyiinta Soomaalida kadib qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in doorashadda soo aadan ee Soomaaliya ay noqoto mid ka madax-banaan nooc kasta oo is-dabamarin ah.

Tusaalooyin doorasho ku dhowaad 10-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah Soomaaliya ayuu soo qaatay kuwaasoo isugu jira qaar ka qabsoomay maamul goboleedyadda dalka iyo dowladda federaalka.

“Doorashadii 2012-kii Madaxweyne Xasan Shiikh oo aan wax gacan ah ku laheyn maamulka doorashada ayaa ku guulaystay. Tii uu Xasan Shiikh maamulayey 2016-kii, Madaxwyne Farmaajo oo dibad joog ka ahaa ayaa ku guulaystay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Puntland waxay aheyd, halka Dowlad Goboleed oo ay doorasho ka dhacday, Madaxweyne Deni oo doorashooyinka dibad joog ka ahaa ayaa ku guulaystay".

'Waxaa habboon in aan doorashooyinka la sumcad iyo sharciyad tirin, mar haddii damac shakhsi ah aan horay loo xaqiijin kari waayey. Ilaaheey siyaasiyiinta Soomaaliyeed damaca waalan iyo iimaan darrida siyaasadeed ha innaga daaweeyo," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Dhawaqa Warsame ayaa kusoo aadaya xilli waddanka uu galay jawi doorasho isla markaana qaybo kamid ah maamuladda ay ka bilaabatay xulista xubnaha ku metelaya Aqalka Sare 4-ta sano ee nagu soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Washington Post oo Warbixin Ka Qortey Dagaalka Puntland Kula Jirto Daacish

Puntland oo Keligeed La Dagaallamaya Xagjiriinta Iyadoo Aan Taageero Ka Helin Caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    13-02-2025

  • 07:38AM

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixday Heshiisyo Iskaashi

Heshiisyada la saxiixay ayaa diiradda saaraya waxbarashada, tamarta…

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 05:21PM