Warsame: Ujeedkeygu ma ahayn aan beel wax u dhimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharaxaad ka bixiyey hadalkii ku duray siyaaradii mas'uuliyiiinta xukuumadda xil-gaarsiinta ku tageen qabriga Maxamed Siyaad Barre.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ku talagalkiisu uusan ahayn in "aan beel Soomaliyeed wax u dhimo".

Sidda laga soo xigtay qoraalkiisa, Warsame ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa "in aan ifiyo in aan xukun lagu raadin raalli gellin shakhsiga xilligaa Villada jooga".

"Ugu horreeyntii ujeedkeygu ma ahayn in aan diido u ducayn qof dhintay, booqasho qabri ama aan beel Soomaliyeed wax u dhimo. Sidoo kale qasadkaygu ma ahayn in aan dhaleeceeyo walaasheey Khadiijo oo aan Reer Buulo Burte isla ahayn," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Kaliya ujeedku wuxuu ahaa in aan ifiyo in aan xukun lagu raadin raalli gellin shakhsiga xilligaa Villada jooga. Waxaa cad in Soomaalidu aysan taariikhda iyo shakhsiyaadkii soo maray heshiis ku wada ahayn".

"Hadda ka hor anigoo Puntland ku sugan ayuu sawir ila galay, isla markiina uu bartiisa Facebook soo dhigay Gen Morgan. Dad badan oo danbiile u haystay ayaa igu dhaliilay, laakiin dad badan oo reer Puntland ah, Gen Morgan qadarin ayey u hayeen." ayuu tibaaxay.

Musharaxa madaxwayne ayaa xusay: "Maaddaama ay adag tahay in aragti midaysan laga yeesho shakhsiyaadka iyo sooyaalka taariikhdooda togan ama taban, oo mid ay dad badani danbiile u haystaan ay dhici karto in uu qola kale geesi agtooda ka yahay, waxaan go’aansaday inaan ka gaabsado qiimaynta shakhsiyaadka lagu kala qaybsan yahay, ilaa laga fursan waayo maahee, oo markaana aan si taxaddar leh uga hadlo anigoo xeerinaya dareenkaas kala duwan ee bulshada".

"Waxaan ka raalli gelinayaa intii u fahamtay in aan duco iyo siyaaro u diidanahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad S Barre ama u qaadatay inaan Khadiijo ama qabiil gooni ah duullaan ku ahay," ayuu kusoo xiray.

Dad badan oo adeegsada baraha bulshadda ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey qoraalka Warsame kaasoo uu ku weeraray madaxdii siyaaratay qabriga oo ay ku jirto Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diirye, wasiirka gargaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM