Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qoraalkeeda ku xusin aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo saartey War-Saxaafadeed jawaab uu ah war kasoo baxay Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare.

Qoraalka oo ka kooban 4 qodob, ayaa xambaarsan labo fariin, oo mid looga jawaabey eedeynta Aqalka Sare ee ah in Xukuumadda iyo Madaxweynaha ay ka caga-joodayaan xalinta khilaafka ka jira dalka iyo mid kuu saabsan doorashooyinka maamullada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinkoodii.

Jawaabta wasarada arimaha gudaha ayaa wadada u xaareysa khilaafka soo kala dhexgala Villa Somalia iyo aqalka sare iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in berri kulan isugu imaanyaan deg deg ah guddiga joogtada ah ee aqalkaas.

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa ku baaqday in doorashooyinka madaxtinimo ee Puntland iyo Koonfur Galbeed la qabto waqtigii loogu talo-galay, una dhacaan si daah-furan oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Jadwalka doorashooyinka labada maamul ee ugu horeeya ee dowlad-goboleedyada waa inay u dhacaan sida loo dejiyay [Puntland 8da January ee 2019 iyo Koonfur Galbeed 17ka November 2018].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM