Wasaaradda Macdanta DF oo iska fogeysey eedeynta musuqmaasuqa

Image

August 13, 2015 (GO)- Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya ayaa iska fogeysey eedayn uga timid kooxda (UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea), kooxdaas oo Qaramada Midoobey u qaabilsan la socoshada musuqmaasuqa iyo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Kooxda ayaa ku eedeysey Wasaaradda inay lacago laaluush ah ka qaadatayy shirkadda (Soma Oil and Gas) ee fadhigeedu yahay dalka Britain.

Warbaixin kooxdu soo saartey ayaa lagu xusay in qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Macdanta Soomaaliya qaab musuq maasuq ah lacago uga qaateen shirkaddaas, kadib heshiis dhacay bishii April ee sanadkan 2015.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Macdanta ayaa lagu sheegay in eedeyntaasi tahay mid haba yaraatee waxba ka jirin oo ujeedada laga leeyahay tahay in dadka lagu marin habaabiyo.

"Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya dagaalo daba dheeraaday, waxaa sharaf noo ah in hay'adaheenu ku howlan yihiin hagaajinta, horumarinta, maamul wanaaga, hufnaanta iyo isla xisaabtan, taasoo ah nuxurka weyn ee ay Soomaaliya dooneyso inay u qaado dhinaca maamulka saxd ah" sidaas ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka Wasaaradda waxaa sidoo kale lagu xusay in ay ka go'an tahay sidii loo ilaalin lahaa khayraadka dabiiciga ah ee dalka islamarkaana looga faa'iideysan lahaa qaab wanaagsan oo cadaaladi ku dheehan tahay.

August 1, 2015 ayey ahayd markii Hay'adda La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee dalka Ingiriisku baaritaan ku bilowdey xafiisyada shirkadda Soma Oil and Gaz ee magaalada London, kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq iyo wax is-daba-marin shirkaddaasi ka geysatey gudaha Soomaaliya. HALKAN KA AKHRISO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM