​Wasiir beeniyay in Al Shabaab bandow kusoo rogtay Marka [Dhagayso]

Image

MARKA, Somalia- Wasiirka Xanaanada Xoolaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Macallin Maxamed Aadan oo ku sugan degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa beeniyay warar sheegaya in xalay kooxda Al Shabaab bandow kusoo rogtay magaaladaasi kadib markii ay isag baxeen ciidamada Milateriga Somalia.

Macallin Maxamed, oo waraysi gaar ah siinayay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inaysan jirin Al Shabaab awood leh oo degmada Soo gaaray, wuxuuse xusay inay shalay yimi hal gaari kadibna isaga baxeen, isagoo hadalkiisa raaciyay in wafdi katirsan maamulka gobolka oo wehelinayaan ciidamada AMISOM goor dhaweyd ku baxeen magaalada.

Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay sababta ciidamada dowladda uga baxeen Marka xilli kooxda Shabaab wali ku suganyihiin daafaha magaalada, wuxuuna sheegay inaysan ilaa hadda aqoon sababta, laakiin layaab ku noqotay dadka, maamulka iyo ciidamada AMISOM tallaabooyinka soo noq noqday.

Wuxuu sheegay wasiirka xanaanada xoolaha Koonfur Galbeed inay wadaan qorshe looga tashanayo isku hallaynta ciidanka dowladda, isagoo tilmaamay inay diyaariyeen ciidamo Boliis ah oo ka socda dhinacooda kuwaas oo buuxin doona doorka ciidanka dowladda Somalia.

Arrintan ayaa soo noq noqotay waqtiyo badan, waxaana dadka deegaanku soo jeediyeen in xaaladdan wax laga qabto oo degmada Marka loo sameeyo cid rasmiyan ammaankeeda lagula xisaabtamo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM