​Wasiir beeniyay in Al Shabaab bandow kusoo rogtay Marka [Dhagayso]

Image

MARKA, Somalia- Wasiirka Xanaanada Xoolaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Macallin Maxamed Aadan oo ku sugan degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa beeniyay warar sheegaya in xalay kooxda Al Shabaab bandow kusoo rogtay magaaladaasi kadib markii ay isag baxeen ciidamada Milateriga Somalia.

Macallin Maxamed, oo waraysi gaar ah siinayay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inaysan jirin Al Shabaab awood leh oo degmada Soo gaaray, wuxuuse xusay inay shalay yimi hal gaari kadibna isaga baxeen, isagoo hadalkiisa raaciyay in wafdi katirsan maamulka gobolka oo wehelinayaan ciidamada AMISOM goor dhaweyd ku baxeen magaalada.

Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay sababta ciidamada dowladda uga baxeen Marka xilli kooxda Shabaab wali ku suganyihiin daafaha magaalada, wuxuuna sheegay inaysan ilaa hadda aqoon sababta, laakiin layaab ku noqotay dadka, maamulka iyo ciidamada AMISOM tallaabooyinka soo noq noqday.

Wuxuu sheegay wasiirka xanaanada xoolaha Koonfur Galbeed inay wadaan qorshe looga tashanayo isku hallaynta ciidanka dowladda, isagoo tilmaamay inay diyaariyeen ciidamo Boliis ah oo ka socda dhinacooda kuwaas oo buuxin doona doorka ciidanka dowladda Somalia.

Arrintan ayaa soo noq noqotay waqtiyo badan, waxaana dadka deegaanku soo jeediyeen in xaaladdan wax laga qabto oo degmada Marka loo sameeyo cid rasmiyan ammaankeeda lagula xisaabtamo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM