Wasiir Beyle oo u hanjabay shirkadaha ku jira Xerada Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa cod dheer ku sheegay in dowladda aysan marnaba ogolaan doonin in shirkadaha ku dhex-ganacsadda xerada Xalane aysan bixin canshuurta laga doonayo.

Bayle, oo ka hadlayay kulan su'aalo waydiin ah ayaa qiray inay jiraan Shirkado ajnabi, oo aanan dowladda siinin wax canshuur, laakiin isagoo ku goodiyay in arrintaas ay wasiiradaas ka sal gaari doonto cidda u fasaxday in aysan canshuur bixin.

"Horta gelitaanka Xalane ayaa dhib nagu noqotay. Aniga waxaan dhihi karaa waa Magaaladda Xalane, sababtoo ah shirkado badan ayaa ku jira oo dhamaantooda ku oranaya markaad waydiiso waxaan u shaqaynaa Qaramadda Midoobey," ayuu Beyle yiri.

Wuxuu daboolka ka qaaday in Hay'adda Qaramadda Midoobay xafiiskeeda Muqdisho ay kala hadleen arrintaan, isaga oo sheegay inay wadaan qorshayaal a tiro koob ugu sameynayaa guud ahaan Shirkadaha ku jira Xalane ee aanan bixin wax canshuur ah.

"Tirkoobka shirkadaha ayaaba waqti badan naga qaadatay. Qolada UN-ka waan kala hadalnay, waxaana noola fasaxay inaan la fariisano, waxaana wadnaa dadaalo aan uga qaadaneyno waxaan xaqa u leenahay, inaga oo aan ku xadgudbin shuruucda caalamka," ayuu xusay.

Suuqyadda Muqdisho ayuu Wasiirka shaaca ka qaaday in lagu iibiyo agab ku qoran magaca UN-ka, taasoo ay qaab suuq madow ah kusoo geliyeen Shirkado degan Xalane, isagoo tibaaxay in waxybaaha ku dhaliyay inay si deg deg wax uga qabtaan ay kamid tahay.

"Waxay ku leeyihiin UN-ka baan ushaqaynaa, suuqyada Muqdisho waxaa laga helayaa agab ay ku qoran magaca UN-ka, marka waxaan u sheegnay in tahay waxaan qaadan karin, sidaas darteeda dadaal ayaan wadnaa waana fara-gelinay arrintaas," ayuu Wasiir Bayle ku daray hadalkiisa.

Xerada Xalane oo ku taala nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa degan Diblumaasiyiinta Beesha Caalamka ufadhiya dalka, xili ay fadhiso dhul baaxad wayn, taasoo dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ku wareejisay Saaxiibadda Soomaaliya.

Hadalka wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kusoo beegmayaa xili mar sii horeysay Wasiir Ganacsiga, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] uu kaga dhawaajiyay inay dowladdu ogtahay inay jiraan dhowr shirkadood, kuwaasoo aanan bixin wax canshuur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM