Wasiir Cawad oo mas'uuliyiin sare kula kulmay New York, USA

Image
Image
Image

NEW YORK - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula yeeshay magaalada New York Kaaliyaha Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tibor Peter Nagy iyo mas'uuliyiin kale oo wasiirka arrimaha dibadda Qadar kamid yahay.

Cawad oo ku metalaya Soomaaliya kulanka 73aad ee Qaramada Midoobey kadib markii uu sababo aan wali la sheegin uga baaqday Madaxwayne Farmaajo, oo haysta dhalashada dalka Mareykanka.

Cawad iyo Tibor Peter Nagy ay isla soo qaadey arrimo dhowr ah oo ay kamid yahay mamnuucidda Madaxweyne Trump ka mamnuucay muwaadiniinta Soomaaliya ee magan-gelyo doonka ah inay galaan Mareykanka iyo xayiraadaasi loo qaadi lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in qodobadda kale oo ay isla eegeen masuulkani ay kamid ahayd in Mareykanku aqoonsado Baasaboorka Soomaaliya, kaasi oo dalal badan oo caalamka ah marka laga reebo inyar aysan aqoonsaneen.

Kaalamada Mareykanku siiyo Soomaaliya oo haatan dhinaca amaanka u badan ayuu Wasiir Cawad tibaaxey inay kamid ahayd arrimaha ay isla gorfeeyeen Kaaliyaha sidii loogu kordhin lahaa dhinacyadda kale ee maaliyada iyo bani'aadanimadda.

"Waa wax aanan nagu habooneen in xariyaaradaasi ay na saarnaato. Waxaana kala hadlnay sidii noogala qaadi lahaa iyo in Baasaboorka dalkeena la qoonsado maadaama dalal ay Norwey ugu horeyso aqoonsan tahay," ayuu yiri Wasiir Cawad oo VOA-da laanteeda Soomaaliga la hadley.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka saameynta wayn ku leh siyaasadda Soomaaliya, inkasta oo uu ka taageero dowladda dhinacyadda amaanka iyo dagaalanka waxa loogu yeero argagxisadda oo uu ku bixiyo dhaqaalo aad u xoogan.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale la kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, kaasoo markale ku celiyay balan-qaadkiisa inuu taageerayo dedaallada ay wado dowladda Federaalka.

Waxa kaloo ay is arkeen Cawad Wasiiradda arrimaha dibadda Ruushka [Sergei Lavrov] iyo Kosovo [Behgjet Pacolli], oo sidoo kale uu kala hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya kalal dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM