Wasiir da' yar oo ku dhintay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Alle ha unaxriistee waxaa xalay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ku geeryooday Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga ee maamulka Hirshabeelle Saciid Xaashi Tooxow.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu xaqiijiyay in Wasiir ku xigeenka uu xalay ku dhintay Isbitaalka Erdogan, halkaaso mudooyinkii dambe looga daweynayay xanuun aan la shaacin.

Madaxweyne Waare ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka HirShabeelle ee uu ka geeriyoodey Wasiirka.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa Qoyska, Ehalada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Siciid Xaashi, waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay Dalkiisa iyo Shacabkiisa, waxaa uu ahaa shaqsi ma daale ah oo si hufan ugu soo dhalaalay gudashada waajibaadka shaqo," ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Wasiir ku xigeenka geeriyoodey ayaa kamid ahaa dhalinyarada katirsan Xukuumadda Madaxweyne Waare ee fadhigeedu yahay magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in meydkiisa la aaso maanta oo Isniin ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM