Wasiir: DF way dayacday Ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay dayacday ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Kooxda Al Shabaab.

Janan ayaa daboolka ka qaadey in dowladda Federaalka Soomaaliya ay waqti iyo dhaqaale badan ku bixiso dacaayadaha loogu faafiyo baraha bulshada "Social Media" islamarkaana ay ka seexatay ka warqabka duruufaha ciidamada iyo xalaadda noloshooda.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Jubbaland oo kaliya mudo saddex todobaad ah looga dilay dagaalka Al Shabaab in ka badan 30 Askari, kuwaasoo aan wax war ah ka heynin dowladda dhexe, oo uu ku eedeeyay in qiimaha ugu badan u hurtay Social Media.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Janan ayaa ugu baaqay madaxda Villa Somalia inay wax ka bedelaaan habdhaqanka hadda jira, kaasoo uu tilmaamay inaan lagu hanan karin amaanka iyo xasiloonida dalka, oo wali qeybo kamid ah Al Shabaab gacanta ugu jira.

Hadalka Wasiir Janan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka wadashaqeyn ee Jubbaland iyo dowladda dhexe uu hadda maraya meeshii ugu xumeyd, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyay madaxda DF inay faragelin ku hayso maamulkiisa.

Jubbaland ayaa bishii July Garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo celisay Taliye cusub oo DF u magacawday guutada 43aad ee ciidamada xoogga ee ka howlgala Jubbooyinka iyo Ged, oo lagu magacaabo Jen. Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow).

Sababta ayaa madaxda Jubbaland ku sheegeen in aan lagala tashan magacaabida Taliyaha, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe u gudbiyay Farmaajo dacwad ka dhan ah Taliska ciidamada xoogga, oo uu ku eedeeyay inuu jahwareer ka buuray Jubbooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM