Wasiir dhaliilay Gollaha Wasiirada Somalia ee uu ka tirsan yahay

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka Ganacsiga Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qiray inay jiraan ganacsato waawayn oo ay ka war qabto dowladda kuwaasi oo lacago siisa kooxda Al-Shabaab, inkasta oo uusan shaacin qorshaha uga degan.

Inta badan ganacstadaan ayaa ku sugan Muqdisho, sida uu xusay wasiirka, kaasi oo ugu baaqay inay ka biya diidaan, wallow uu qiray inay wajahayaan cabsi ku aadan inay disho xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Run ahaantii cid beenin kartaa ma jirto..sababtuna waxay tahay nimankaasi waa Al-Qaacido xukunkooda ugu yar iyo kan ugu wayn waa Dil…laakiin waxaan ku boorineynaa ganacsatada inay diidaan," ayuu wasiirku yiri.

Lacagaha ay Al-Shabaab ka qaado ganacsatada oo isugu jirta mid maalinle ah, mid ay qaado Bishii iyo sanadkii ayay ku sheegtay Zakawaad, waxaana ay sicirkooda uu ukala sareeyaa hadba sida uu qofka uyahay ganacsigiisa.

Sidda laga soo xigtay warbixin, isha ugu wayn oo ay haatan Al-Shabaab ka hesho dhaqaalaha waa lacagaha baada ah oo ay ka qaato ganacsatada, waxaana dowladda loogu baaqay inay la timaado qorshe ay wax uga qabaneyso.

Geesta kale, wasiir Maareeya ayaa ku dhaliilay xubnaha Gollaha Wasiirada ee uu ka tirsan yahay inay dib-udhigayaan had iyo goor meel-marinta gudiga Tayo-dhowrka badeecadaha soo gala wadanka.

Sharciga lagu dhisayo Guddigaan iyo xubnaha uu ka kooban yahay ayuu daboolka ka qaaday inay soo gudbisay wasaaradiisa, uuna muddo bil ah horyaala Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo dalbaday in la ansixiyo.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyada oo qaar kamid ah badeecadaha dalka la keeno ay yihiin kuwa dhacay, taasoo sababta cuduro halis ah, ayna ka cabanayaan bulshada qaybaheeda kala gedisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM