Wasiir Farmajo ku matelay Shir madaxeedka Carabta ee Beirut [Sawirro]

Image
Image

BEIRUTLebanon - Wasiirka Arrimah Dibadda Xukuumadda Somalia, Axmed Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalaya Shir madaxeedka hogaamiyeyaasha dalalka carabta ee maanta ka furmay magaaladda Beirut ee caasimadda wadanka Lebanon.

Cawad ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu maanta ka qeybagalay shir madaxeedka carbeed ee dhaqaalaha, kaasoo ay qaadaceen ka qeyb-galkiisa inta badan madaxdii dalalka carabta, oo gaaraya 20 dowladood.

Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz oo kaliya ayaa ka joogey madaxda carabta, iyadoo aan kasoo muuqan amiirada Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain, waxayna u direen wasiiro. 

Villa Somalia, gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha ayaanan wali fahfaahin ka bixin sababta Farmaajo uu uga baaqday Shirka afaraad ee horumarinta dhaqaallaha iyo bulshada ee ay martigelinayso dowladda Lebanon.

Waxaa looga hadlay madasha 29 qodob oo ah waxyaabo ay dunida carbeed wadaagto sida dhaqaallaha, bulshada, waxaa intaas dheer hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda waxyaabaha dhejitaalka laga sameeyay iyo kuwa kale.

War-murtiyeedka ka kooban 29 qodob, oo laga soo saarey shirka, loona bixiyay "Heshiiskii Beirut" ayaa ku baaqaya in la aas-aaso suuq ganacsi oo xor ah, oo ay leeyihiin dalalka carabta iyo in beesha caalamka ay taageerto martigelinta qaxootiga Syria.

Shirka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid ahmiyad badan lahayn, marka laga eego dhinaca kasoo qeybgalka, waxaana uu kusoo beegmay xilli khilaaf diblomaasiyadeed u dhaxeeyo dalalka Khaliijka carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM