Wasiir Farmajo ku matelay Shir madaxeedka Carabta ee Beirut [Sawirro]

Image
Image

BEIRUTLebanon - Wasiirka Arrimah Dibadda Xukuumadda Somalia, Axmed Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalaya Shir madaxeedka hogaamiyeyaasha dalalka carabta ee maanta ka furmay magaaladda Beirut ee caasimadda wadanka Lebanon.

Cawad ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu maanta ka qeybagalay shir madaxeedka carbeed ee dhaqaalaha, kaasoo ay qaadaceen ka qeyb-galkiisa inta badan madaxdii dalalka carabta, oo gaaraya 20 dowladood.

Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz oo kaliya ayaa ka joogey madaxda carabta, iyadoo aan kasoo muuqan amiirada Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain, waxayna u direen wasiiro. 

Villa Somalia, gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha ayaanan wali fahfaahin ka bixin sababta Farmaajo uu uga baaqday Shirka afaraad ee horumarinta dhaqaallaha iyo bulshada ee ay martigelinayso dowladda Lebanon.

Waxaa looga hadlay madasha 29 qodob oo ah waxyaabo ay dunida carbeed wadaagto sida dhaqaallaha, bulshada, waxaa intaas dheer hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda waxyaabaha dhejitaalka laga sameeyay iyo kuwa kale.

War-murtiyeedka ka kooban 29 qodob, oo laga soo saarey shirka, loona bixiyay "Heshiiskii Beirut" ayaa ku baaqaya in la aas-aaso suuq ganacsi oo xor ah, oo ay leeyihiin dalalka carabta iyo in beesha caalamka ay taageerto martigelinta qaxootiga Syria.

Shirka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid ahmiyad badan lahayn, marka laga eego dhinaca kasoo qeybgalka, waxaana uu kusoo beegmay xilli khilaaf diblomaasiyadeed u dhaxeeyo dalalka Khaliijka carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM