​Wasiir hore oo baaq u diray Shaqaalaha dowladda

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirkii hore Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Federaalka Somalia ayaa fariin u diray dhammaan shaqaalaha kala duwan ee xukuumadda waqtigeedu dhammaaday taasoo ku aadan inay sii wadaan howl maalmeedkooda caadiga ah.

Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Caynte, ayaa warbaahinta u sheegay in diblomaasiyiinta, shaqaalaha dowladda iyo kuwa rayidka ah looga baahanyahay inay dar-dargaliyaan shaqadii ay horay u hayeen.

Caynte, ayaa intaas ku daray inay diyaar u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen xukuumadda lasoo dhisi doono isagoo ballanqaaday inay ku wareejin doonaan shaqada ay iminka hayaan.

"Xubnaha golaha wasiirrada waxay diyaar u yihiin inay sii wadaan howl maalmeedka dowladda, waxaan ugu baaqaya dhammaan shaqaalaha dowladda, diblomaasiyiinta iyo kuwa rayidka ah inay tagaan xafiisyadooda oo ay dardargaliyaan shaqada," Ayuu yiri mudane Caynte.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli wali 4 maalmood ay kasoo wareegtay waqtigii la doortay Madaxweynaha cusub oo aan wali la wareegin xafiiska islamarkaana aan soo dhisin xukuumad cusub, waxaana la tuhunsanyahay in gaabis ku yimid shaqadii dowladda maadaama la galay waqti kala wareeg ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM