Wasiir Jamaal oo loo dhaariyay Xildhibaanimada [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta loo dhaariyay kursiga Xildhibaanimada Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka.

Jamaal ayaa 7-dii bishan kusoo baxay doorasho ka dhacday xarunta Aqalka Wakiiladda Puntland ee magaalada Garoowe, taasoo musharaxii la tartamay uusan wax cod ah helin, isaguna uu ku guuleystay 49 cod, oo kamid ah 51 ergo doorasho.

Wasiirka qorsheynta, oo soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya [April 2015 illaa March 2018], ayaa bedelay Xildhibaan Dhahar Cali Faarax oo xilkaasi iska casilay, islamarkaana loo magacaabay qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya wadanka Jabuuti.

Su'aallo badan ayaa ka taagan qaabkii uu Wasiirkan, oo kamid ah kuwa ugu cad-cad Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ugu soo baxay doorashada Kursigan beeshiisa loo qoondeeyay.

Jamaal ayaa kamid ahaa wasiiradda fara ku tiriska ah ee aan ahayn Xildhibaan, iyadoo uu wado Khayre qorshe uu dhamaan xubanaha Xukuumadda ugu biirinayo gollaha Shacabka, waxaana horey u noqday 74%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM