Wasiir Juxa oo Baaq u direy Beelaha ku dagaalamaya Hiiraan

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Mudane Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa Baaq Nabeed u diray Beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya gobolka Hiiraan.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id oo Jimcihii ku qabtey Muqdishu, ayuu Wasiir Juxa sheegay in dagaalka socda uu yahay wax aan loo baahnayn, iyo dhiiga dad shacab ah oo si micna darro ah lagu daadinayo.

"Marka ugu horeysa waxaan ku baaqeynaa in dagaalka si deg deg loo joojiyo, aad baan uga xumahay dadka halkaasi wax ku noqday kuwa ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmay intaba," ayuu yiri Juxa.

Wasiirka ayaa ka codsaday Odayaasha, Culimaa'udiinka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta gobolka Hiiraan inay in ay ka qeyb qaataan joojinta dagaalka iyo isku soo dhaweynta beelaha halkaasi ku dagaalamaya.

Waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato joojinta Colaadda ka aloosan gobolka Hiiraan, islamarkaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan Wafdi ugu dirayso.

Dagaalka waxa uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socdaa inta u dhaxaysa Matabaan iyo Hees, oo dhaca xadka kala qeybiya Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ee bartamaha dalka Somalia.

Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna dhankiisa ku baaqay in Dagaalka gobolka Hiiraan, si deg deg ah lagu joojiyo, sidoo kalena wadahadal iyo waan-waan nabadeed lagu dhameeyo waxa keenay dirirta.

Dagaalka waxa uu salka ku hayaa muran ka dhashay Dhul Daaqsimeed, ay isku qabteen labo beelood oo kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud kuwaasi oo ku dhaqan Deegaanka Beenaaley.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM