​Wasiir Juxa: Shirkan hordhac ayuu u yahay Dib u heshiisin dhab ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka dowladda Federaalka Somalia Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa si rasmi ah maanta u daah furey shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xaalkooda, kaasoo lagu qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u hushiisiinta Soomaaliya,Qaar kamid ah madaxda dalka,Xubno ka socdey Maamul Gaboleedyada,Odayaasha dhaqanka,Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameenayo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada ka laga gaaro shirka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khader) ayaa u mahed celiyey madaxda Wasaarada Arimaha Gudaha,maadaama wakhtii loo baahnaa ay qabteen Shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisiinta Dalka. Waxuuna cadeeyey in wadatashigan uu qeyb ka yahey dib u soo celinta dalka maadaama uu yahey mid Qaran.

“Waxaa loo baahan yahey in la sameeyo dib-u-heshiisin Siyaasadeed iyo mid Diimeed si loo helo kalsooni shacab taasina waxaa looga baahan yahey in looga doodo sidii loo heli lahaa kulan kan inta uu socdo,” Ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xogeenka Soomaaliya ayaa u soo jeediyey ka qeyb galaaysha shirka iney Dib-u-heshiisiinta Dalka gaarsiiyaan deegaanada ay matalayaan si loo abuuro shacab u diyaarasan in la helo Nabad iyo Nolol,waxuuna tilmaamey in la sameeyo madal wadatashi iney qayb ka aheyd balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya xiligii doorashada.

Arrintan ayaa timid Xilli Wasiir Juxa uu ballan qaaday inuu ka shaqayn doono Dib u hishiista beelaha Somaliyeed si loo helo xasilooni islamarkaana u hirgalaan dhammaan ballanqaadyada dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM