Wasiir ka tirsan DF Soomaaliya oo laga helay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii-haayaha Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in 20 qof oo gurgiisa joogta 16 kamid ah uu haleelay safmareenka Covid19.

Sheekh Cumar Rooble ayaa kasoo muuqdey shir jaraa'id oo wasiiro ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta ay Talaadada maanta ah ku qabteen ku qabteen magaalada Muqdisho.

Mr Rooble oo xaqiijiyey in laga helay caabuqan khatarta badan ayaa intaas ku daray in uu kasoo kabanayo, wallow uusan tafaasiil ka bixin goorta uu rasmi ahaan ku dhacay.

"Aniga waxaan kamid ahay dadka kasoo kabanaayo," ayuu ku daray, isaga oo hoosta ka xariiqay in xaaladiisa caafimaad ay waqti xaadirkan tahay mid wanagasan.

Wuxuu ku daray: "Cudurkani aniga kaligey iguma dhicin. 20 qof oo gurigeyga joogta 16 kamid ah ayuu halmar soo ritay. Wasaaradda caafimaadka si gaar ah ayaan uga mahadcelinaynayaa gurmadka ay noo fidisay".

Shacabka ayuu ku booriyey in ay xoojiyaan taxadarka. Culimada ayuu si gaar ah ugu tartarsiiyey in ay ALLE bariga dardargeliyaan "si dadka uga dulqaado cudurkan".

"Waxaan ka rabnaa culimadda in ay dadka ugu wacyigeliyaan tallooyinka caafimaad," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka oo rajeeyay in loo hogaansamo baaqiisa.

Sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysay ee Waaxda Caafimaadka, kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya ayaa maraya Tirada Guud ee 8,321 kiisas, geerida 302 iyo bogsashada oo ah 3,968.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM