Wasiir isku day dil kaga badbaadey bartamaha magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax, ayaa ka badbaadey isku-day u muuqda mid la doonayo in lagu khaarijiyo.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, weerarka oo loo adeegsaday qarax miino nooca meelaha fog-fog laga hago ayaa ka dhacay agagaarka aargada isgoyska KM4 fiidnimadii Khamiista, 5-ta November, 2020.

Faarax ayaa haatan caafimaad qaba, mana jirto wax garaafo ah oo soo gaarey sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen saddex kamid ah xubnaha Laanta Fulinta oo sheegay in ay telefoonka kula hadleen.

Hasayaashee, lama ogga hadii shirqoolkan uu ahaa mid bartilmaameed ah ama in uu ku yimid qaab aan ku talogal ahayn. Taliska Booliska wuxuu ka gaabsaday in uu fahfaahin ka bixiyo dhacdadaan.

Illo wareedyo caafimaad ayaa sheegay in saddex ay kamid yihiin ilaalada wasiirka ay ku dhaawacmeen falkaas, waxaana ay intaas ku dareen in ay suurtagal tahay in khasaaraha uu intaas kasii badato.

Fiidnimadii 20-ka October, 2020, agaasimaha hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi, ayaa ka badbaadey qarax lagula eegtay isla isgoyska KM-4 wadada aada garoonka Aadan Cadde.

Laba ruux oo shacab ah kuwaasoo wadada marayay iyo askari kamid ahaa ilaalada Koofi ayaa ku dhaawacmay weerarkaas aysan jirin koox sheegatay marka laga reebo in lagu tuhmayo Al-Shabaab.

Dhacdooyinkan liddiga ku ah ammaanka ayaa soo badanaya Muqdisho xilli magaala madaxda ay isku diyaarineyso martigelinta doorashooyinka Xildhibaanada Somaliland iyo tan madaxweynaha xiga ee wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM