Wasiir katirsan Xukuumadda Khayre oo is-casilay [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa ku dhawaaqay maanta inuu iska-casiley xilka wasiirnimo.

Lafta-Gareen, oo dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynah maamulkaa Koonfur Galbeed ayaa go'aankan ku dhawaaqay kadib markii gudiga doorashada uu sheegay in musharax haya xil kale uusan doorashada gali karin.

“Aniga oo raacaya shuruudaha Guddiga doorashooyinka. Waxaan rabaa inana cadeeyo ka tegitaanka xilka wasiirnimo, si aan uga mid noqdo murashaxiinta,” ayuu yiri Wasiirka oo wariye-yaasha kula hadlayay Baydhabo. 

Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta Gareen), oo sidoo kale ah mudane katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa dhawaan Baydhabo kala degay gaadiidka aan xabadu karin iyo ciidamo u gaar ah oo kala yimid magaalada Muqdisho.

Warar ayaa sheagaya in Villa Soomaaliya ay taageerayso Musharaxan, iyadoo ololihiisa ku bixinaysa malaayiin dollar, si uu uga adkaado Shariif Xasan, Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey, oo kamid ah musharaxiinta, isagoo doonaya inuu markale hogaamiyo Koonfur Galbeed.

Aqalka Sare iyo Xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka digay in fara-gelin lagu sameeyo doorashada Koonfur Galbeed, oo sanadkan ka duwan tii hore, maadama loolanka ay ku jiraan musharixiin dowladda Federaalka wadato.

Doorashada ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 17-ka bishan, oo ka harsan 12 maalmood, waxaana Baydhabo maanta ka billowday diiwaangelinta musharaxinta, iyadoo Mukhtar Roobow uu noqday musharxii ugu horeeyay oo shahaadada musharaxnimo la siiyo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM