Wasiir katirsan Xukuumadda Khayre oo is-casilay [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa ku dhawaaqay maanta inuu iska-casiley xilka wasiirnimo.

Lafta-Gareen, oo dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynah maamulkaa Koonfur Galbeed ayaa go'aankan ku dhawaaqay kadib markii gudiga doorashada uu sheegay in musharax haya xil kale uusan doorashada gali karin.

“Aniga oo raacaya shuruudaha Guddiga doorashooyinka. Waxaan rabaa inana cadeeyo ka tegitaanka xilka wasiirnimo, si aan uga mid noqdo murashaxiinta,” ayuu yiri Wasiirka oo wariye-yaasha kula hadlayay Baydhabo. 

Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta Gareen), oo sidoo kale ah mudane katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa dhawaan Baydhabo kala degay gaadiidka aan xabadu karin iyo ciidamo u gaar ah oo kala yimid magaalada Muqdisho.

Warar ayaa sheagaya in Villa Soomaaliya ay taageerayso Musharaxan, iyadoo ololihiisa ku bixinaysa malaayiin dollar, si uu uga adkaado Shariif Xasan, Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey, oo kamid ah musharaxiinta, isagoo doonaya inuu markale hogaamiyo Koonfur Galbeed.

Aqalka Sare iyo Xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka digay in fara-gelin lagu sameeyo doorashada Koonfur Galbeed, oo sanadkan ka duwan tii hore, maadama loolanka ay ku jiraan musharixiin dowladda Federaalka wadato.

Doorashada ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 17-ka bishan, oo ka harsan 12 maalmood, waxaana Baydhabo maanta ka billowday diiwaangelinta musharaxinta, iyadoo Mukhtar Roobow uu noqday musharxii ugu horeeyay oo shahaadada musharaxnimo la siiyo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM