Wasiir ku xigeenka difaaca DF oo Qarax lagu eegtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Miino ayaa ka dhacay Nawaaxiga xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ku taala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen dadka degaanka ee halkaasi ku nool.

Jugta qaraxa oo laga maqlay qaybo ka tirsan xaafadaha ku dhow dhismaha Wasaaradda ayaa waxaa la arkayay Uuro ka dhalatay Qaraxa oo cirka isku shiishareeraysay, inkasta oo aanan aanan la hubin illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay.

Bartilmaameedka weerarka wali lama xaqiijin, laakiin meel aan ka fogayn halka uu qaraxu ka dhacay oo ah dhabarka dambe ee dhismaha Wasaaradda waxaa marayay Kolanyo galbineysa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda difaaca, Cabdullaahi Colaad Rooble.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Qaraxa kadib ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala dhismaha Wasaaradda ciidamo ka tirsan dowladda, gaara ahaan Ilaaladda gaarka ah ee dhismaha, iyaga oo dadka u diidayay inay adeegsadaan.

"Inaga oo gudaha Wasaaradda ku jirna, ayaan maqalnay Qarax, kaasoo ahaa Miino lagu aasay dhabarka dambe ee dhismaha Wasaarada, ma caddeyn karo khasaaraha," Sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo dowlada ka tirsan ayaa sidaasi u sheegay GO.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxaan, balse, falalka noocaan ah ee Khal-khalka gelinaya amniga ee ka dhaca magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan dhabarka saarta kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmayaa xili dhismaha Wasaaradda Difaaca dalka ay ka socotay xil wareejinta Taliyaha cusub ee ciidanka xooga dalka iyo Abaanduulaha ciidanka, kuwaasoo uu dib u habayn ku sameeyay todobaadkii hore Madaxwaynaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM