Wasiir ku xigeenka difaaca DF oo Qarax lagu eegtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Miino ayaa ka dhacay Nawaaxiga xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ku taala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen dadka degaanka ee halkaasi ku nool.

Jugta qaraxa oo laga maqlay qaybo ka tirsan xaafadaha ku dhow dhismaha Wasaaradda ayaa waxaa la arkayay Uuro ka dhalatay Qaraxa oo cirka isku shiishareeraysay, inkasta oo aanan aanan la hubin illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay.

Bartilmaameedka weerarka wali lama xaqiijin, laakiin meel aan ka fogayn halka uu qaraxu ka dhacay oo ah dhabarka dambe ee dhismaha Wasaaradda waxaa marayay Kolanyo galbineysa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda difaaca, Cabdullaahi Colaad Rooble.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Qaraxa kadib ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala dhismaha Wasaaradda ciidamo ka tirsan dowladda, gaara ahaan Ilaaladda gaarka ah ee dhismaha, iyaga oo dadka u diidayay inay adeegsadaan.

"Inaga oo gudaha Wasaaradda ku jirna, ayaan maqalnay Qarax, kaasoo ahaa Miino lagu aasay dhabarka dambe ee dhismaha Wasaarada, ma caddeyn karo khasaaraha," Sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo dowlada ka tirsan ayaa sidaasi u sheegay GO.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxaan, balse, falalka noocaan ah ee Khal-khalka gelinaya amniga ee ka dhaca magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan dhabarka saarta kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmayaa xili dhismaha Wasaaradda Difaaca dalka ay ka socotay xil wareejinta Taliyaha cusub ee ciidanka xooga dalka iyo Abaanduulaha ciidanka, kuwaasoo uu dib u habayn ku sameeyay todobaadkii hore Madaxwaynaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM