Wasiir ku xigeenkii Shaqada oo lagu dilay weerarkii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkii ka dhacay Muqdisho.

Marxuum Shawaqar Ibraahim Cabdalla ayaa sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka ee baarlamaanka 10aad ee dalka.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka, dhacdadaan ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 10 ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyadda duulaanka lagu ekeeyay dhismaha ay degan yihiin wasaarada ayaa sheegtay in dableyda ay gudaha u galeen dhismaha.

Ciidamada amaanka iyo kooxaha hubeysan ayaa rasaas culus is-weedaarsaday daqiiqadihii ugu horeeyay ee weerarka.

Dadka ku waxyeeloobay weerarka ayaa waxaa ku jira shaqaalo ka tirsan wasaaradaha degan xarunta la beegsaday oo kala ah Arrimaha Shaqada iyo Howlaha Guud.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa si lamid ah degan xaruntaasi oo ku taalla degmada Shangaani, gaar ahaan isgoyska Jubba.

Khasaaraha dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay korodho maadaama ay jiraan bukaano wax ku noqdo qaraxyada oo xaaladooda ay aad u liidato.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM