Wasiir raagelin ka bixiyey hadal uu ugu gafay dadka ku hadla "May-ga"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiiru dowladaha Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa raagelin uu ka bixiyey hadal uu Fadhigii 14aad ee Gollaha Shacabka uu ugu gafay Bulshadda ku hadasha lahjadda May-ga.

Hadalka gefka ah ee Wasiirka ayaa yimid markii Xilldhibaan Fanax oo Aqalka Hoose kamid ah uu ku waydiiyey lahjadda mayga su'aal ku saabsan wax ka bedal lagu samaynayo Sharciga Hanti-dhowrka dalka, kaasi oo horanatii asbuucaan hor-tegay Gollaha.

Ibraahim ayaa mar laga sugayay jawaab inuu ka bixiyo su'aaal uu waydiiyay Xildhibaan Fanax, ayaa sheegay inuusan fahmeynin lahjadda May-ga, taasoo dad badan si kale u fasirtay, aadna loo hadal hayay tan iyo markaasi baraha bulshada [Social media].

Fadhiga 15aad, Kal-fadhigiisa 4aad ee Gollaha Shacabka, kaasi oo uu maanta oo Arbaco ah shir gudoomiyey Afhayeen Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 156 Xildhibaan, iyadoo ajendahu ahaa xisaab xirka dowladda ee 2017..

Xilldhibaan Fanax oo la siiyey fursad ayaa aqbalay soo jeedinta Wasiiru dowladaha, isagoo Bulshadda ku hadasha lahjadda Mayga ugu baaqay inay aqbalaan, islamarkaana ay iska cafiyaan mas'uulkaan ka tirsan xukuumadda Federaalka ah.

Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Gaas ayaa dhawaan raali-gelin uga bixiyay hadal uu ugu gafay bulshadda Koonfur Galbeed, oo uu ku tilmaamay in wiilal ka yimid Diinsoor, Xudur iyo Buurhakaba oo dacas wata ay doonayaan inay Puntland qabsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM