​Wasiir u hogaansami waayay go'aan looga reebay doorashada Aqalka hoose

Image

JOWHAR, Somalia- Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Somalia, Maxa'ed Cabdullaahi Nuux, ayaa lagu doortay Doorasho saakay ka dhacday magaalada Jowhar, ee xarunta mamaulka Hir-Shabeelle.

Wasiirkan la doortay oo Guddiga Doorashada Heerka Federaal uu Arbacadii ka reebay tartanka kursiga beeshiisa, ayaa kusoo baxay 45 Cod, oo uu uga guulaystay Gabar  lagu magacaabo Hindiya Cabdullaahi Cumar.

Codayntii saaka ka dhacday Jowhar, ayaa noqotay mid aan horay uga dhicin maamullada dalka Somalia, waxaana goob joogayaal la hadlay GO, sheegeen in xilli hore saaka la jarmaadiyay Ergada oo horay loo soo xulay dabadeena wax u eg doorasho ka dhacday hoolka lagusoo xulayay Xildhibaanada.

Gudiga Doorashada maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka biyo diiday amarka Guddiga Heerka Federaalka, oo ahaa in Wasiir Nuux iyo Musharaxa kale Axmed Sheekh Nuur (Cirro) ka dambeeyeen Fowdo ka dhacday Hoolka Doorashada Jowhar 18-kii November.

Sababta Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Nuux looga joojin waayay Doorashada ayaa lagu sheegay inay tahay in uu taageero ka haysto Madaxtooyada Soomaaliya isagoo la mabda'a ah xisbiga siyaasadeed ee madaxweynaha Somalia.

Lama oga sida uu noqon doono dib u doorashada wasiirka laga reebay loollanka, waxaana isha lagu hayn doonaa tallaabada ay qaadaan guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Doorshada Jowhar waxaa kaloo kusoo baxay Cabdicasiis Saalax Carmaan, oo ku guulaystay Kursiga Beesha Carab Soomaali, oo dhawaan laga soo wareejiyay Doorashada Beelaha Banaadiriga ee Muqdishu.

Carmaan, waa ku xigeenka Wasiirka Beeraha ee Xukuumada uu Waqtiga ka dhacay.

Beesha Carab Soomaali ayaa ku eedaysay Villa Somalia in Kursigaasi si qasab ah uga qaadatay, oo u wareejisay Jowhar, halkaasi oo ay sheegeen in la geestay Ergo iyo Musharax taabacsan siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM