Wasiir uu shaqada ka eryay Khayre oo hadlay [Muxuu sheegay?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya, Cabdi Casiis Saalax [Carmaan], ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka qaadis uu ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Carmaan oo shaqada laga eryay 26-kii July ayaa waxa uu ka tirsan yahay Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu soo dhawaynayo xilka qaadista uu ku sameeyay Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya.

"Waxaan ku farax-sanahay xilka qaadista leygu sameeyay, waana soo dhawaynayaa. Maxaa yeelay waxaan ogahay in xilka uu yahay meerto, qof walba oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inuu la shaqeeyo dowladda," ayuu Carmaan hadalkiisa raaciyay.

Mar wax laga weydiiyay Xilldhibaanka hadii uu ogyahay sabab gaar ah oo xilka uu ku waayay oo ay kamid tahay eedaymo musuq maasuq ama qodobo kale ayuu ka gaabsaday, isaga oo cadeeyay inaanu ogayn sabab gaar ah oo xilka looga qaaday.

Xildhibaan Carmaan ayaa mar kale la su'aalay hadii loo sameeyay balanqaad, ayuu gaashaanka ku dhuftay, isaga oo cadeeyay inaanu jirin arrinkaas, wuxuuna tilmaamay in arrinta kaliya ee uu u ogolaaday xilka qaadista ay tahay inuu xilku yahay meerto.

Hadalka Xilldhibaan Cabdi Casiis Saalax [Carmaan], ayaa kusoo beegmayaa xili maalmihii dame ay isa soo tarayeen xilka qaadista uu Khayre ku sameynayo wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada, taasoo dad badan ay dhaliileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM