Wasiirkii Warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya oo is-casilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba baneeyay jagadii uu qaranka u hayey.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyay "kala aragti duwanaanshiyo" soo kala dhex-gashay isaga iyo hogaanka xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Khayre.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan shaqo ka tegista Geelle oo kasoo baxay Laanta Fulinta ee dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Mr Geelle ayaa waxa uu horey u soo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, halkaasi oo sanado badan oo ka howlgalayey.

Bishii May 2018 ayaa Geelle loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, waxa uuna qayb ka ahaa lix xubnood oo uu xiligaasi Khayre kusoo daray Golihiisa Wasiirada.

Xiligaasi waxa uu bedellay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, oo laga dhigay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho kadib eryidii Taabit Cabdi Maxamed.

Waa mas'uulkii labaad oo wadashaqeyn xumo isaga casila xukuumada Khayre. Drs Maryam Qaasim, wasiirkii Gargaarka ayaa November 2017-kii shaqada uga tegtay farogelin shaqadeeda lagu hayo. 

Tegitaanka Geelle ayaa imaaneysa xili todobaadyo kahor uu ka hadlay shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen siyaasiyiin mucaarad ah, isaga oo sheegay in xukuumada wadahadal diyaar u tahay. [Halkaan ka akhriso] 

Hasayeeshee, Khadiija Maxamed Diiriye, wasiirka cayaaraha oo kolkii dambe ka fal-celisay kulankaasi ayaa ku tilmaamay "mid lagu burburinayo qaranka Soomaaliyeed" waxayna meesha ka saartay wadaxaajood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM