Wasiir Xoosh: Roobow waa argagaxiso shahaado la siiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa markii ugu horeysay waxaa wax laga waydiiyay xariga Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo gacanta ugu jira hay’adda NISA ee dowladda.

Jibriil oo dalka Jabuuti uga qaybgalay munaasabad ayaa ku tilmaamay ku xigeenkii hore ee Hogaamiyaha Al-Shabaab “argagaxiso la siiyay Shahaado” waxaana uu soo dhaweeyay in xabsiga la dhigo.

Roobow oo kamid ahaa Musharixiinta doorashadda Koonfur Galbeed ayaa helay Aqoonsiga Guddiga doorashooyinka, balse, maamulka Farmaajo ayaa waday dadaalo uu ku doonayo inuu uga saaro coddeynta.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadayaa xili mar sii horeysay oo maanta oo Sabti ah uu sheegay Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan inay tahay qabashada Roobow mid sharci daro ah.

Gudoomiye Mursal ayaa ku baaqay in si deg deg ah xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Mukhtaar Roobow, si uu qayb uga noqdo doorashadda la filayo in 19-ka bishaan ka qabsoonto magaalada Baydhabo.

Intaasi waxaa dheer inuu Mursal soo jeediyay in dib loo dhigo coddeynta inta xal laga gaarayo xiisadda ka dhalatay xariga Roobow, taasi oo gil-gishay xarun goboleedka Bay, oo la ceer-ceereyso dibad-baxyo culus.

Inta la hubiyay ku dhowaad 10 ruux ayaa ku geeryootay banaanbaxyo waawayn oo tan iyo markii lasoo xiray Roobow laga soo wariyay caasimadda KMG Koonfur Galbeed xili ay jiraan isku-dhacyo shacabka iyo ciidamada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM