Wasiirada arrimaha dibada Somalia iyo Kenya oo shir ku leh Mandheera

Image
Image

MANDHEERA - Wafdi ay kala hogaaminayaa wasiirada arrimaha dibadda dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Kenya ayaa maanta oo Talaado ah gaarey magaalada Mandheere oo ku taala sohdinta labada wadan.

Lama oga ujeedka socdaalka Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma, balse, waxay kusoo aadayaa iyada oo dalalkaan uu ka dhaxeeyo muran ku aadan darbi ay xukuumada Nairobi halkaasi ay ka dhisayso.

Wararka ayaa tibaaxaya in mas'uuliyiintaan oo kulmi doono ay booqan doonan halka laga dhisayo Darbiga, kaasi oo dowlada Kenya ay sheegtay inay ku ilaalineyso amaanka dalkeeda iyo shacabkeeda oo halis ku ah kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay la kulmay Madaxwayne Uhuru Kenyatta, kaasi oo ay kawada xaajoodeen qodobo ay kamid yihiin arrintaan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool xuduudka ayaa marar badan ka banaan-baxay Darbigaasi, iyaga oo sheegay inay Kenya ka dhisayso dhinaca Somalia, waxayna dowlada ugu baaqeen inay wax ka qabato.

Madaxwayne Farmaajo iyo dhigiisa Kenyatta ayaa dhowr jeer khadka telafoonka waxay kaga wada hadleen qadiyadaan, taasoo la sheegay inay wax udhimi karto ganacsiga isaga kala goosha sohdinta dalalkaan.

Sida laga soo xigtay warbixin dhowaan soo baxday, isha ugu badan oo ay Kenya udhoofiso badeecadaha dalkaasi kasoo go'a oo uu kamid yahay Khaadka waa Soomaaliya, oo aanan helin bedal ku haboon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM