Khayre oo loo sheegay in uusan jirin sirdoon la isku helayn karo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulankii degdega ahaa ee uu shalay ra’iisul wasaare Khayre isugu yeeray xubnaha golahiisa wasiiradda, kaasi oo looga hadlay xaalada amni ee dalka.

Shirkaasi oo saacado qaatay ayaa waxaa ugu horeyn warbixino dhinaca amniga ah looga dhageystay wasiirada amniga gudaha iyo gaashaandhiga.

Intaasi kadib, xubnaha kale ee Gollaha Fulinta ayaa laga dhageystay talooyin ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee loo sugi karo amaanka faraha kasii baxaya.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in wasiirada ay u sheegeen wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka "in uusan jirin sirdoon la isku haleyn karo".

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee uu madaxda u yahay Fahad Yaasiin Daahir ayaa ku guuldareystay in ay hesho xog sireed qarax iyo dilal qorsheysan oo ay Al-Shabaab todobaadkii hore ka geystay Muqdisho.

Shirkaan ayaa noqonaya sida laga soo xigtey dadka naqdiya Wasiirka Kowaad kii ugu horeeyey uu RW Khayre fikirkooda ku waydiiyo halka ay mareyso xaalada Dalka golihiisa wasiirada.

Gunaanadka shirka, ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah, kuwaasoo oo ka kooban todoba xubnood.

Wasiiradda guddigaasi ku jira waxaa kamid ah; Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka amniga iyo Wasiirka arimaha gudaha, Wasiirka Waxbarashada  iyo kuwo kale.

Guddigaasi ayaa lagu wadaa in ay soo diyaariyaan qorshaha lagu xasilinayo caasimadda, kaasi oo ay kusoo bandhigi doonan shirka Gollaha ee soo aadan.

Go’aanadda shirkaasi kasoo baxay waxaa qayb ka ah howlgalo culus oo laamaha amaanka ka sameynayaan caasimada dalka kaasi oo habeenkii Sabtida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa si lamid ah shaaciyay in todobaadyada soo aadan ay sii xirnaan doonan wadooyinka Muqdisho, talaabo qayb ka ah Bandow lagu soo rogayo magaala madaxda dalka Geeska Afrika ku yaalla.

MUUQAALKA ENG YARIISOW

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM