XF Soomaaliya oo meel-marisey magacaabista shan safiir cusub

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.

Xeerarkaan ayaa waxaa loo gudbin doonaa baarlamaanka Federaalka, kaasi oo marka uu akhrinta saddexaad marsiiyo cod u qaadi doona kahor inta uusan qalinka u duugin madaxweynaha.

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo jeedinta lahayd ayaa laga filayaa in ay soo bandhigto dalalka ay safiiradaan u fadhisan doonan wadamadaan oo qaarkood in muddo danjire la'aan ahaa.

Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka caalamka ayaa lagu dhaliilaa in aysan bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool aysan si wanaagsan ugu adeegin xili wasaarada la sheegay in ay ka meer-meerto xalinta arrintaasi.

Magacaabistaan ayaa imaaneysa xili ay jireen tabashooyin laga keenay dhowr safaaradood inkasta oo aanan la ogayn hadii safiirada la magacaabay ay ku jiraan kuwa cabashada laga soo gudbiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM