XF Soomaaliya oo meel-marisey magacaabista shan safiir cusub

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.

Xeerarkaan ayaa waxaa loo gudbin doonaa baarlamaanka Federaalka, kaasi oo marka uu akhrinta saddexaad marsiiyo cod u qaadi doona kahor inta uusan qalinka u duugin madaxweynaha.

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo jeedinta lahayd ayaa laga filayaa in ay soo bandhigto dalalka ay safiiradaan u fadhisan doonan wadamadaan oo qaarkood in muddo danjire la'aan ahaa.

Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka caalamka ayaa lagu dhaliilaa in aysan bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool aysan si wanaagsan ugu adeegin xili wasaarada la sheegay in ay ka meer-meerto xalinta arrintaasi.

Magacaabistaan ayaa imaaneysa xili ay jireen tabashooyin laga keenay dhowr safaaradood inkasta oo aanan la ogayn hadii safiirada la magacaabay ay ku jiraan kuwa cabashada laga soo gudbiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM