Isku bedelka wasiirada oo lala xiriiriyey Jaadka Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Talaabada ra'iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu Axada maanta ah isugu bedelay wasiiradda – Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya – ayaa salka ku haysa khilaaf muddooyinkii dambe ka taagnaa Qaadka laga keeno dalka Itoobiya, sida uu ogaadey Garowe Online.

Sida xogta muujineyso, khilaafka ayaa ka dhex-qarxay wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] iyo ganacsatadda Muqdisho ee sii qeybisa Qaadka.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey GO in ganacsatadda oo ku heyb ah ra'iisul wasaare Rooble ay ka dalbadeen in booska Oomaar ku bedelo Duraan Axmed Faarax oo dhanka hooyadda ay qaraabo ka yihiin.

"Ra'iisul wasaaraha isaga oo fulinaya dalabka ganacsatadda ay isku beesha yihiin lana tashay madaxweynaha ayuu isku bedelay labadda wasiir," ayay sheegeen dad xog ogaal u ah qadiyadan oo magacyadooda ka gaabsaday.

"Maskaxda" keenista qaadka Itoobiya

Oomaar ayaa, sidda ay macluumaadyadda la helayo muujinayaan, wuxuu ahaa maskaxda ka dambeysay in qaadka Itoobiya uu suuq ka helo Soomaaliya kadib markii dowladda federaalka ay xayiraad kusoo rogtay kan laga keeno Kenya.

Wasiirkii hore ee duulista hawada Soomaaliya ayaa qandaraaska Qaadka Itoobiya lagu keenayo Soomaaliya wuxuu lasoo galay ganacsatada Itoobiya, iyaddoo shirkadda duulimaadka Ethiopia Airlines ay tahay midda lagu soo daabulayo.

Xasan Farmaajo oo la dhashay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey, Cali Yarre iyo ruux kale oo ganacsade ah kaasoo GO uusan helin magaciisa ayaa Oomaar ku wehliya qandaraaskan, iyaddoo mid walba uu door gaar ah ka cayaaro arrintan.

"Kaalinta Xasan Farmaajo waxay ahayd in uu dhanka Madaxtooyadda kasoo saxiixay dukumiinyadda laga maarmaanka ahaa," ayay ku dareen illo wareedyadda.

Qaadka Itoobiya ayaa canshuur ahaan waxaa maalintii kasoo xaroota 75-kun Doolarka Mareykanka ah. Lacagtaas 40-kun Doolar kamid ah waxaa qaadata Wasaaradda Maaliyadda, halka 35-ta kun doolar kale ay wadaagayeen Oomaar, Xasan Farmaajo, Cali Yarre iyo shaqsiga kale ee ganacsadaha ah.

Oomaar iyo Xasan Farmaajo

Qeyb kamid ah 75-kun Doolarka Mareykanka ah ee lagu canshuuro qaadka Itoobiya ayaa, sidda xogta caddeyneyso, waxaa lagu maalgeliyaa shaqsiyaadka baraha baraha dayaacadaha ugu faafiya maamulka Farmaajo waxaana maamula Cali Yare, oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir.

Warbixinada qaar ayaa tibaaxaya in sababaha Oomaar looga wareejiyay wasaaradda duulista ay la xiriirto in ay "gacan banaanaato" khidmada faraha badan uu ku qaadan jiray in uu soo dhameeyay qandaraaska.

"Oomaar in uu sabab u ahaa in qaadka Itoobiya suuq ka helo Soomaaliya wuxuu maalintii ku qaadan jiray 7,500 oo doolar – taasoo la macno ah in uu bishii heli jiray 225,000 doolarka Mareykanka ah," ayay raaciyeen dadka sida dhow ula socda qandaraaskan.

Qaadka Kenya ayaa ahaa kan loogu isticmaalka badan yahay gudaha Soomaaliya. Balse, talaabada maamulka Farmaajo ugu soo rogay xayiraadda iyaddoo la cuskanayo safmareenka Covid-19 waxaa la rumeysan yahay in ay salka ku haysay in suuq loo sameeyo jaadka Itoobiya isla markaana shaqsiyaad gaar ah ay ka ganacsadaan iyagoo soo marsiinaya shirkad adeega bixineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM

Abiy Axmed oo ku wajahan Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Xasan Sheekh

Ajendaha booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho waxaa ku jira wadahadallo ku saabsan doorka Itoobiya ee hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 08:41AM