Wasiirka Amniga: Dad baa loo qabtay Qaraxii Zoobe [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abukar Islow ayaa sheegay in Hay'adaha amniga ay gacanta ku dhigeen dad lala xiriirinayo qaraxiii Zoobe.

"Waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed la wadaago in qaraxii Zoobe ay dad u xiran yihiin, sidoo kalena aan heyno xog muhiim ah, oo aan dhawaan soo badhigi doono," ayuu yiri Wasiirka amniga.

Ma uusan sheegin Wasiirka tirada dadka xiran.

Wararka kale, ayaa sheegaya inay labo qof yihiin, oo midkooda uu yahay wiil dhalinyaro ah, oo waday Gaarigii NOAH-da ee ku qaraxday Xaafadda Ceel Qalow wax yar kadib qarxii Isgoyska Zoobe.

Lama oga wali cida ka dambaysay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Zoobe, balse waxaa xusida mudan in mid kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ay Muqdisho soo gelisay Gaariga oo noociisu ahaa TM.

Gaawarida Ciidanka ayaa iyaga mustacmal ah waxaa laga keenaa dalka Talyaaniga sidaas waxaa was qortey jariidad kasoo Baxda taasoo ku sheegtey in shirkado ganacsi laga leeyahay Wadanka Talyaaniga iyo dad Soomaaliya ah ka shaqeystaan.

Waxay hay'adaha amniga ku guuldareesteen inay kahor tagaan gaariga inta uusan qarxin, iyagoo hayay xogtiisa islamarkaana ku baacsaday gudaha magaalada Muqdisho.

Isgoyska Zoobe ayaa ku qarxay kadib markii wadada ku xirantay, kadibna uu ku dhacay baabuur halkaasi taagnayd, oo saf ugu jiray inay ka gudbaan bar-koontarool oo ay Booliska dowladda ku baaro gawaarida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM