​Wasiirka Amniga: Gacanta ayaan ku dhignay Madaxii Amniyaadka Shabaab ee Banaadir

Image

MUQDISHU, Somalia- Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Baaraka in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Kooxda Alshabaab ee gobolka Banaadir Cabdiwahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) , waxana howgalkan uu dhacay maanta oo axad ah.

Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda.

“Waxaa maanta qabanay Cabdiwahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa,” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Somalia.

Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda ay leeyihiin howlgalladan ayaa tilmaamay; “Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaan dalka ka wadnay howlgallo ballaaran oo lagu xasilinayo amniga caasimadda, waxana lagu guuleystay in laga hortago falal badan oo cadowgu maleegayeen”.

Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadlay jidadka xaafadaha dhex-dooda maray ee Caasimadda oo qeybo kamid ah la xiray, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dulqaad ay muujiyaan maadaama waxa laga shaqeynayo ay yihiin amni, una baahan yahay feejignaan dheeri ah.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira,” Ayuu yiri Wasiirka Islow.

Wasiirka ayaa hambalyo u diray Ciidamadda Xasilinta Caasimadda, waxana uu ku bogaadiyey xoojinta guushan la gaaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM