Wasiirka Amniga Somalia oo hadlay weerarkii xarunta QM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudo 24 saacadood kadib, Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii Hoobiyeyaasha loo adeegsaday ee lagu qaaday shalay xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Saddex ruux oo labo kamid ah yihiin shaqaalaha UN-ka, midna uu ahaa Qandaraasle ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ay sheegatay Al-Shabaab, kaasi oo sababay burbur Hantiyadeed oo xoogan.

War-saxaafadedka oo ku taariikheysan 2/2/2019 ayaa lagu sheegay inay cambaareenayso falka oo ay ku tilmaamtay mid fool xun, iyadda oo intaasi ku dartay inay aad uga xun tahay sidda ay wax u dhaceen.

Sidda ku cad bayaanka, wasaaradda waxay soo kabasho deg deg urajeynaysaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay madaafiicda, oo la sheegay inay tiradoodu gaareysay 7, ayna ku dhaceen gudaha xerada Xalane.

"Baaris iyo dabagal ayaa ku socota dadkii geystay falka foosha xun. Waxaa lala socod-siinayaa shacabka Soomaaliyeed in gacanta lagu soo dhigi doono, waana lasoo bandhigi doono natiijada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cambaareynta ayaa timid kadib markii war kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid si ula kac ah loogu qaadey shaqaalaha UN-ka, waxaana laga dalbaday DF in baaritaan dhab ah ku sameeyo. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM