Wasiirka Amniga Somalia oo hadlay weerarkii xarunta QM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudo 24 saacadood kadib, Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii Hoobiyeyaasha loo adeegsaday ee lagu qaaday shalay xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Saddex ruux oo labo kamid ah yihiin shaqaalaha UN-ka, midna uu ahaa Qandaraasle ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ay sheegatay Al-Shabaab, kaasi oo sababay burbur Hantiyadeed oo xoogan.

War-saxaafadedka oo ku taariikheysan 2/2/2019 ayaa lagu sheegay inay cambaareenayso falka oo ay ku tilmaamtay mid fool xun, iyadda oo intaasi ku dartay inay aad uga xun tahay sidda ay wax u dhaceen.

Sidda ku cad bayaanka, wasaaradda waxay soo kabasho deg deg urajeynaysaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay madaafiicda, oo la sheegay inay tiradoodu gaareysay 7, ayna ku dhaceen gudaha xerada Xalane.

"Baaris iyo dabagal ayaa ku socota dadkii geystay falka foosha xun. Waxaa lala socod-siinayaa shacabka Soomaaliyeed in gacanta lagu soo dhigi doono, waana lasoo bandhigi doono natiijada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cambaareynta ayaa timid kadib markii war kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid si ula kac ah loogu qaadey shaqaalaha UN-ka, waxaana laga dalbaday DF in baaritaan dhab ah ku sameeyo. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM