Wasiirka arimaha gudaha DF Somalia oo ciidmadii ilalaada u ahaa laga qaadey

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha Dowlada Federaalka Somalia Cabdi Farah Siciid muddo labo Cisho ah uusan shaqo tagin kadib markii ciidmadii ilaalada u ahaa wasarada gashaandhiga Somalia kala noqotey.

Wararkaan ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha ay saameyn ku yeelatey siyaasad dowlada Federaalka Somalia soo rogtey taasoo amreysay in dhamaan ciidamada ka tirsan xooga dalka Somalia  ee ku maqan shaqooyinka leexsan dib ugu noqdaan taliskey ka tirsanaayeen.

Lama oga sababta Wasiirka arimaha gudaha Somalia oo madax u ah mid kamid ah hay'adaha dowlada ugu muhiimsan ay saameynta ugu yeelatey arintaan balse Wararka ayaa sheegaya in Mudane Cabdi Farax Juxa iyo madaxda kale ee ciidamada isku fahmi waayeen howshaan sida ay u dhacdey.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Wasiirka arimaha gudaha ka xumaadey qaabka madaxda amniga ula dhaqmeen isagoo dhinaca kale ka biyo diidey in la siiyo ciidamo kale balse dalbadey in loo daayo kuwa uu ku kalsoon yahay.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Wasiir Cabdi Farax Siciid oo awal ka cabanayey gadiid la'aan ay iminka soo foodaaartey  Ilaalo la'aan sidaa darteed uu go'aansadey in gurigiisa ku sugnaado inta xal laga gaarayo arintaan.

Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha Somalia ayaa ka gaabsadey Inuu dib u soo celiyo gaariga dowlada horey u siiyey kasoo ahaa nooca xabbadu karin.

Dowlada Federalka Somalia ayaa dhowaan qaadey talaabooyin xagga amniga ah iyadoo dhowaan wasaarada amniga qoraal ay soo saartey ka dalbatey shirkadaha gaarka loo leeyahay iney diwaan galiyaan ilaaladooda gaarka ah.

Hoos ka akhri qoraalkaan: 


Xuquuqda warkaan waxaa iska leh warsidaha Garoweonline hadaad dib u daabaceyso fadlan kala soo xiriir office@garoweonline.com

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM