Wasiirka Arrimaha Dibada Eritrea oo gaarey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi uu hor-kacayo wasiirka arrimaha dibada Eritrea ayaa maanta oo Sabti ah ka degay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Cismaan Saalax ayaa waxaa socdaalka ku wehliya lataliyaha gaarka ah madaxtooyada wadankaasi, Yemane Gabreab.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka caalamka ee xukuumada federaalka ah ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay in ay tahay wadahadalo ay la yeeshaan madaxwaynaha dalka, Maxamed Farmaajo.

Dhinacyadda ayaa kawada hadli doona arrimo ku saabsan xaalada gobolka iyo dhaqan-gelinta heshiisyo ay horey u kala saxiixdeen hogaamiyaasha labada dal.

Bishii Agoosto 2018 ayay ahayd markii Cismaan Saalax uu socdaalkiisii ugu horeeyay mudo kadib uu ku yimid caasimada Soomaaliya.

Wasiir Cismaan ayaa bishii horey booqday Somaliland, halkaasi oo uu kula kulmay madaxwayne Muuse Biixi oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin wadahadalada u dhaxeeya maamulka Hargeysa iyo dowlada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM