Wasiirka arrimaha dibada UAE oo booqdey Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ayaa qaabiley wasiirka arrimaga dibada Imaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo wafdi uu horkacayo oo maalintii Axadda June 8,2015 booqdey magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh ayaa dowlada Imaraadka Carabta uga mahad celiyey doorka ay ka qaadato tageerada ay u fidiso shacabka Somalia taasoo la xiriirta xaga bini'aadnimada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

“Dowladda Somalia iyo shacabkeeda waxaa ku weyn, abaal weyna ay idin kaga hayaan, mashaariicda qiimaha leh ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka fulinayso waddankan, waxayna taasi dhiirigelineysaa dadaalka ku aaddan dib u soo kabashada Somalia  ee dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey dalka Somalia isaga oo shegeey in xiriirka labada shacab yahay mid taariikhi ah.

Booqashadaan ayaa ah middi ugu horeysay ee wasiir ka tirsan dowlada Imaraadka Carabta ku tago dalka Somalia tan iyo intii Somalia bilowdey kasoo kabashada dagaalada sokeeye.

Labada dhinaca ayaa waxaa dhexmarey kulamo labo geesood ah kuwaasoo ay ka qayb galeen wasiirada dowlada Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM