Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka oo soo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa saaka magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia soo gaarey wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Jarmalka Sigmar Hartmut Gabriel.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas'uuliyiin kale oo katirsan dowladda.

Kulan albaabada u xiranyahay ayay labada dhinac ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Muqdishu, waxaana wararka ay sheegayaan in ay kawada hadlayaan xiriirka labada dal iyo taageerada Jarmalka ee Somalia.a

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay Ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre oo ay kawada hadleen arrimo ku aadan xaaladda Somalia.

Sigmar Hartmut Gabriel, oo ah sidoo kale ku xigeenka Ra'iisal wasaaraha Jarmalka, ayaa u balanqaadey Madaxda Somalia inay ka caawinayaan dhinacayada bini'aadanimada, amniga iyo dhisaha ciidanka.

Waa wafdigii ugu ballaarnaa oo dowladda Jarmalka ka socdo oo yimaada Muqdishu tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo la wareegay talada dalka bartamihii bishii lasoo dhaafey ee February.

Fahfaahinta Kulanka ka socdo Garoonka Muqdishu kala soco wararkeena dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM