Khayre oo Muqdisho kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Qadar

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi ayaa maanta oo Axad ah lagu soo dhaweeyay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo wafdi horkacayey ayaa waxaa qayb ay ka ahaa Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga.

Soo dhaweynta kadib, waxaa loo galbiyey dhanka xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka, halkaasi oo ku yeesheen wada hadalo laba geesood ah oo arrimo dhowr ah looga hadlay.

Xafiiska Khayre ayaa shaaciyey in dhinacyadda ay isla gorfeeyeen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in is-araga lagu soo qaadey mashruuca dhismaha dekadda Hobyo oo ay xukuumadda Dooxa daneynayso dhismaheeda, horeyna uu u dhax-dhigay madaxweynaha.

Mashaariicda kale oo ay Qadar dalka ka fulineyso ayaa waxaa sidoo kale kamid ah wadooyinka isku xira Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, kuwaasi oo uu Khayre dhegax-dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM