Wasiir Cawad oo magaalada Dooxa kula kulmay dhigiisa Qadar

Image

DOHA, Qadar - Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa shalay booqasho ku tagey Qadar, halkaasi oo kulamo kula qaatey mas'uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda dalkaasi.

Wakaaladda Wararka ee Qadar [QNA], ayaa sheegtay in Cawad uu Doha kula kulmay dhigiisa dalkaasi, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

QNA ayaa intaasi ku dartay in labada wasiir ay diiradda ku saareen kulankooda qodobo dhowr ah, oo khuseeya danaha ka dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Qadar.

Booqashadda Cawad ee Doha ayaa timid labo bilood kadib markii dowladda Federaalka ay heshiis dhinaca militeriga la saxiixatay Qadar, kaasoo ay ku xoojinayaan xiriirka dhinaca difaaca.

Horaantii sanadkan 2019, dowladda Qadar ayaa Muqdisho kasoo dejisay 67 baabuurta gaashaaman, oo ay ugu deeqday ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Xiriirka Villa Somalia ee Qadar ayaa xoogeystay kadib markii Xukuumadda Khayre ay u weecatay dhinaca dalka Carbeed markii ay xiriirka u jareen dowladaha Khaliijka ugu waaweyn, sida Sacuudiga iyo Imaaraadka June 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM