​Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warbixiyay Safarkiisa Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa ka warbixiyay Safar isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo ku tageen Shalay magaalada Kismaayo.

Juxa oo la hadlay Warbaahinta markii uu tagey Kismaayo, ayaa sheegay in Ujeedka safarkiisa uu ku qotomo daahfurka Barnaamijkii dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Jubbaland, oo kii ugu horeeyay ah.

Mudane Cabdi Faarax Siciid "Juxa" oo safarkiisa ku wehliyaan Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin katirsan Wasaaradda Arrrimaha gudaha ayaa ka qeybalaya Xafladda lagu furayo Barnaamijka Dowladaha Hoose oo maanta ka dhacaysa Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in Barnaamijka Golayaasha deegaanka ee maamul goboleedyada inuu yahay mid muhiim u ah geediga Somalia ugu jirto dowladnimada iyo gaarsiinta adeeggyada shacabka Somalia.

Juxa ayaa hoosta ka xariiqay in maamullada kale ee Galmudug iyo HirShabelle sidoo kale uu tagi doono, si uu u daahfuro Barnaamijyo noocan ah, oo lagu dhisayo dowladaha hoose.

Koonfur Galbeed Somalia ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay, ee kamid ah maamullada dhawaan dhismay, marka laga reebo Puntland oo daahfura Barnaamijkan lagu dhisayo Golayaasha deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dadaal ugu jira sidii Maamul goboleedyada looga hirgelin lahaa Baarnaamijka dhismaha Golayaasha Deegaanka oo Muhiim u ah hanaanka lagu baahinayo Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM