​Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warbixiyay Safarkiisa Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa ka warbixiyay Safar isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo ku tageen Shalay magaalada Kismaayo.

Juxa oo la hadlay Warbaahinta markii uu tagey Kismaayo, ayaa sheegay in Ujeedka safarkiisa uu ku qotomo daahfurka Barnaamijkii dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Jubbaland, oo kii ugu horeeyay ah.

Mudane Cabdi Faarax Siciid "Juxa" oo safarkiisa ku wehliyaan Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin katirsan Wasaaradda Arrrimaha gudaha ayaa ka qeybalaya Xafladda lagu furayo Barnaamijka Dowladaha Hoose oo maanta ka dhacaysa Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in Barnaamijka Golayaasha deegaanka ee maamul goboleedyada inuu yahay mid muhiim u ah geediga Somalia ugu jirto dowladnimada iyo gaarsiinta adeeggyada shacabka Somalia.

Juxa ayaa hoosta ka xariiqay in maamullada kale ee Galmudug iyo HirShabelle sidoo kale uu tagi doono, si uu u daahfuro Barnaamijyo noocan ah, oo lagu dhisayo dowladaha hoose.

Koonfur Galbeed Somalia ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay, ee kamid ah maamullada dhawaan dhismay, marka laga reebo Puntland oo daahfura Barnaamijkan lagu dhisayo Golayaasha deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dadaal ugu jira sidii Maamul goboleedyada looga hirgelin lahaa Baarnaamijka dhismaha Golayaasha Deegaanka oo Muhiim u ah hanaanka lagu baahinayo Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM