Wasiirka arrimaha gudaha oo magacaabay agaasimeyaal

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda xilgaarsiinta, Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa wareegto uu soo saarey wuxuu ku magacaabay afar agaasime guud.

Agaasimaha Waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi laga dhigay Agaasimaha Waaxda dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada.

Aaasimaha waaxda xiriirka iyo warfaafinta ayaa loo xushay Abshir Macalin Maxamed, halka Agaasimaha Waaxda Hay’adda aan dowliga aheyn loo magacaabay Xanafi Cabdi Cali.

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli dalka uu isu diyaarinayo in uu galo doorashooyin heshiis lagu yahay taasoo madaxda Soomaalida ay heshiis ka gaareen todobaadii lasoo dhaafay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa door weyn leh hanaanka doorashooyinka oo dib-u-dhac weyn uu ku yimid markii maamulka Farmaajo isku dayay in uu ka shaqeeyo hab dani ugu jirto.

Doorashada madaxtinimada ayaa qorshuhu ahaa in ay dhacdo 8-dii Febraayo, 2021, halka tan madaxtooyadda lagu wadday in ay waddanka ka qabsoonto bishii December sanadkii 2020-ka.

Beesha Caalamka oo si weyn u soo dhaweysay heshiiska doorashadda ayaa looga fadhiyaa in ay bixiso taageerada looga baahan yahay ee isugu jirta mid siyaasadeed, dhaqaale iyo dhanka sahayda.

Hoos ka akhriso qoraalka

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM