Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Iimaan Cabdullaahi Cali.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa xilka looga qaaday Wasiirka, iyadoo aan lagu sheegin sababta ka dambaysa xilka qaadistiisa.

Cabdikaxiim Xuseen Ashkir, oo ahaa wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa loo magacaabay inuu si KMG ah usii wado shaqada inta laga soo magacaabayo Wasiir cusub.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa isla maanta xilkii Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horey usoo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Wasiirka cusub ee difaaca iyo midka arrimaha dinta ee xilka laga qaaday ayaa la sheegay inay yihiin isku qabiil.

Waa wasiirkii ugu horeeyay oo Khayre uu xilka ka qaado tan iyo markii u dhisay Xukuumadiisa bishii Maarso, ee sanadkan 2017-da, iyadoo lagu eedaynayo Xukuumadda inay ka gaabisay howlaha horyaalla, gaar ahaan amniga.

Labo Wasiir oo kale ahaa Gaashaandhigga Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo Arrimaha Gargaarka Maryam Qaasim ayaa xilalka iska-casilay tan iyo bishii October.

Iscasilaadda ayaa timid kadib markii sida ay sheegeen labada Wasiir arkeen fara-gelin iyo isbar-baryaac ka dhex-jira Xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM