Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Iimaan Cabdullaahi Cali.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa xilka looga qaaday Wasiirka, iyadoo aan lagu sheegin sababta ka dambaysa xilka qaadistiisa.

Cabdikaxiim Xuseen Ashkir, oo ahaa wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa loo magacaabay inuu si KMG ah usii wado shaqada inta laga soo magacaabayo Wasiir cusub.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa isla maanta xilkii Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horey usoo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Wasiirka cusub ee difaaca iyo midka arrimaha dinta ee xilka laga qaaday ayaa la sheegay inay yihiin isku qabiil.

Waa wasiirkii ugu horeeyay oo Khayre uu xilka ka qaado tan iyo markii u dhisay Xukuumadiisa bishii Maarso, ee sanadkan 2017-da, iyadoo lagu eedaynayo Xukuumadda inay ka gaabisay howlaha horyaalla, gaar ahaan amniga.

Labo Wasiir oo kale ahaa Gaashaandhigga Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo Arrimaha Gargaarka Maryam Qaasim ayaa xilalka iska-casilay tan iyo bishii October.

Iscasilaadda ayaa timid kadib markii sida ay sheegeen labada Wasiir arkeen fara-gelin iyo isbar-baryaac ka dhex-jira Xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM