Wasiirka caafimaadka Turkiga oo soo gaarey Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka caafimaadka dowladda Turkiga, Dr Ahmet Demircan ayaa saaka oo Isniin ah soo gaarey magaalada Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Dr Ahmet Demircan kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana loo galbiyay wafdiga xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Dr Ahmet Demircan ayaa waxaa la socday Dhaqaatiir iyo Mas'uuliyiin kala duwan, waxaana ay Muqdisho keeneen gargaar caafimaad iyo daawooyin loogu talo galay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Booqashada Wasiirka ayaa timid, kadib markii Madaxweyne Erdogan uu amray in loo gurmado shacabka waxyeellada kasoo gaartey qaraxa, iyadoo Turkiga loo qaadayo dhaawacyada culus.

Waxaa jira dowlado kale, oo ay kamid yihiin Kenya, Ethiopia, Djibouti oo la filayo inay gurmad caafimaad u fidiyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14-ka bishan October ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Laakiin hadda, dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay oo kasoo jawaabo codsigii dowladda Federaalka Soomaaliya ay u jeedisay dowladaha saaxiibada yihiin ee ahaa inay ka caawiyaan daaweynta shacabka ku dhaawacmay masiibada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM