Wasiirka cusub ee Kaluumeysiga DF Soomaaliya oo heshiis la gaarey maamulada [ Sabab]

Image
Image
Image

MUQDISHO- Kadib shir ay Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ku yeesheen intii u dhaxeysay 19-20 bisha Agoosto ee 2018, kaasoo ay isugu yimaadeen Wasaaradaha Kalluumeysiga ee maamuladda dalka iyo tan dowladda Federaalka waxaa laga soo saarey qodobo.

Kulankaan oo maalmo socday ayaa waxaa uu mid daba socday shir ay magaalada Baydhabo horey ugu yeesheen Madax dowlad goboleedyadda dalka iyo kuwa Dowladda Federaalka, kaasoo qodobadii kasoo baxay kamid ahaayeen cidda bixineysa ogolaan-shaha shirkadaha Kalluumeysiga caalamiga ah.

Shirka lagu soo gunaanuday magaalada Muqdisho ayaa waxay dhinacyadda isku yimid ay is-fahan ka gaareen inay dhowaan soo saari doonaan shatiyadda ogolaanshaha Kulluumeysiga dalka.

Sidoo kale, qodobadda ay isla meel-dhigeen dhinacyadda waxaa qayb ka ah in dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah aysan ogolaanin in shirkadu ajnabi ah in ay qataaan calamada Soomaaliya, iyaga oo aanan iska diiwaan gelin dowladda Federaalka.

Heshiiskaan is-afgaradka ah ayaa imaanaya maalmo kadib markii Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga dowlada Federaalka lagu badalay xildhibaan ka tirsan aqalka Barlamanka hoose kasoo ay aad isugu dhow yihiin siyaasad ahaa Ra’isal wasaare Khayre.

Dhinaca kale Madaxda maamulada xilka ka sii dhamaanayo iyo dowlada Federaalka ayaa aad u raadinaya in heshiis laga gaaro qaybsiga khayraadka Badda inta uusan dhicin muddo xileedkooda.

Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga dowlada Federalka Soomaaliya oo la badalay ayaa waxaa uusan xiriir wanaagsan la laheyn Madaxwyne Gaas iyo wasaaradiisa Kaluumeysiga kadib markii uu diidey inuu shatiyo siiyo islamrkaana dacweeyey maraakiib si sharci daro ah Badda ay u galiyeen kuwaas oo laga lahaa dalka Thailand.

Lama oga sababta soo dadejisay heshiiskaan, xilli Wasiir Bidhaan dhowaan loo magacaabey xilkaan balse wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa xusaya inuu jiro is-afgarad u dhexeeya maamulada qaar iyo Dowlada Federalaka taasoo la xiriirta u magacaabista xilkaan ee xildhibaankaan.

Wasiiru dowlaha Kaluumeysiga Puntland Cabdiraxman Kulmiye oo lagu eedeeyo in uu lug weyn ku leeyahay bixinta shatiyada Kaluumeysiga sharci darada ah ayaa magaca Wasiirka Wasaarda ku saxiixey heshiiskaan is-afgaradka ah.


Warsidaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona warbixin ku saabsan xiriirka u dhexeeya magacaabista wasiirka cusub ee wasaarada Kaluumeysiga dowlada Federaalka ah iyo dardar galinta Heshiisyada la rabo in laga gaaro qaybsiga khayraadka maamulada iyo dowlada dhexe.

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM