Wasiirka cusub ee Waxbarashada Puntland oo Garowe soo gaarey

Image

June 27, 2015 (GO)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Prof. Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa maanta soo gaarey islamarkaana si weyn loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, xubno ka socdey bahda waxbarashada iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wasiirka si diirran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Prof. Abshir ayaa u mahadceliyeye dadkii soo dhoweyntiisa ka qayb qaatay, wuxuu sidoo kale   Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uga mahadceliyey xilka uu usoo magacaabay.

Wasiirka ayaa kasoo kicitimay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka halkaasoo uu ku noolaa muddooyinkii ugu dambeeyey isago wax ka dhigi jirey qaar kamid ah Jaamacadaha Maraykanka. Kahor burburkii dowldda dhexe, wuxuu bare ka ahaa Jaaamacaddii Lafoole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM