Wasiirka difaaca Mareykanka oo tegay Muqdisho xilli uu guux jiro

Image

WASHINGTON, US – Ku-simaha wasiirka difaaca Mareykanka, Christopher Miller, ayaa Jimcadii wuxuu socdaal aan lasii shaacin uu ku yimid Soomaaliya, sidda ay ku warantay warbaahintay Ameerika.

Sidda uu tabiyey telefishinka CNN, Miller oo kasoo socdaalka Jabuuti ayaa kaliya saacado ku sugnaa Muqdisho wuxuuna la kulmay cutubyo kamid ah ciidanka Mareykanka ee ku sugan caasimada.

Inkasta oo mas'uuliyiinta Pentagon-ka ay sheegeen in ujeedka socdaalka uu ahaa in uu askarta la dabaaldego munaasabada Thanksgiving-ka, haddana safarka wuxuu yimid iyaddoo guux uu jiro.

Guuxaas waxaa ugu weyn in maamulka Donald Trump uu qorsheynayo in kahor inta uusan xafiiska wareejin uu saaro 700 askari ee Mareykanka ka jooga waddanka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Mas'uuliyiinta Pentagon-ka ayaan wali si rasmi ah uga hadlin saarida askarta balse saxaafadda Mareykanka waxay warineysaa in maalmaha soo aadan ay dhici karto in ay hayaamaan askarta Ameerikaanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo walaac ka muujiyey saarida askarta Ameerikanka ayaa sheegay in ay fursad u noqoneyso Al-Shabaab oo haatan ay duqeyso xukuumada Washington.

Booqashadda Miller ayaa sidoo kale waxay kusoo hagaagtey xilli sarkaal ka tirsan CIA-da lagu dilay gudaha Soomaaliya. Sarkaalkaas wuxuu u dhintay dhaawac kasoo gaarey dagaal ay la galeen Shabaab.

Christopher Miller ayaa noqdey wasiirka difaaca Mareykanka ee ugu horeeyay ee Soomaaliya yimaada. Booqashadiisa waxay ahayd lugtii ugu dambeysay ee socdaal uu ku tegay illaa iyo afar waddan.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo Khamiistii ka digay halista Al-Shabaab ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in aysan si waxtar leh uga faa'iideysan tababarka iyo qalabeynta Washington.

Al-Shabaab oo dagaalameyaasheeda lagu qiyaaso 5 illaa 10-kun ayaa gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida waxaana ay tahay khatarta ugu weyn ee ammaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Awoodda Al-Shabaab waxaan ku daciifinay duqeymo

Sidoo kale, in ka badan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn hawada ah, taas oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 08:22PM

Hogaamiye katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqayn 

Ciidamada Maraykanka ayaa gacan ka geystay ka hortagga khataraha Al-Shabaab ku hayso dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 12:49PM